Afar Arrimood oo ku saabsan nolosha ganacsadihii Soomaaliga ahaa ee lagu dilay Kenya
Mayda ganacsadihii Soomaaliga ahaa ee maalmo la la’aa, ayay Booliska magaalada Nairobi ee dalka kenya, weli ku wadaan baaritanno la xidhiidha sidii loo dilay. Meydkiisa waxaa laga helay meel duur ah oo ku taalla deegaanka Mwea ee gobolka Kirinyaga, oo Nairobi u jirta 180km.
Qoyska Bashiir Maxamed Gaboobe ayaa sheegay in maydka ay ku yaaleen rasaas iyo nabarro kale oo jirdil ah.
Sida ay sheegeen laamaha baaritaanna kenya, baadhitaan maanta lagu sameeyay meydka marxuumka ayaa lagu ogaaday in la ceejiyay, sida ay ku warrameyso warbaahinta gudaha.
Sheekh Maxamed Diini, oo ay saaxibo ahaayeen Bashir Gaboobe, isla markaana ay wax isla soo barteen, ayaa sheegay in Bashiir ay iskala soo baxeen jaamacadda Ohio ee dalka Mareykanka, uuna ahaa nin firfircoon oo dadaal badan.
Marxuumka oo haystay dhalashada Maraykanka, wuxuu madax ka ahaa shirkad gacansi oo ka shaqaysa dhismaha, wuxuuna mashaariic waaweyn ka fuliyay Kenya iyo Soomaaliya.
Waxaan halkan ku eegeynaa afar arrimood oo ku saabsan nolosha ganacsade Bashiir:
Wuxuu ahaa ijineer
Bashiir wuxuu shahaadada labaad ee injineernimada ka qaatay jaamacadda Wrights University ee Dayton, dalka Mareykanka. Wuxuu in muddo ah la soo shaqeeyay shirkadda Boeing ee sameysay diyaaradaha.
Wuxuu muddo kooban ku noolaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Wuxuu sidoo kale la shaqeeyay shirkadda diyaaradda ee Qatar Airways.
Wuxuu iska lahaa shirkad qaabilsan dhismaha
Bashiir wuxuu u soo wareegay dalka Kenya, ka dib markii u hirgeliyay shirkad qaabilsan dhismeyaasha iyo naqshadeynta guryaha, wuxuuna ku howlanaa mashaaricyo waaweyn.
“Soomaliya iyo Kenya ayuu ku soo laabtay. Tacliintii uu yaqaanay iyo xirfaddii uu ku soo shaqeeyay, ayuu halkaa kasii bilaabay. Wuxuu aasaasay shirkad qaabilsan dhismaha iyo naqshadeynta guryaha, buunddooyinka iyo jidadka. Magaalada Nairobi ayay xafiis ku lahaayeen,” ayuu yiri Diini.
Sida uu sheegay, Bashiir Gaboobe, wuxuu dowladda Kenya u sameeyay mashaariic waawayn sida, mid uu ka fuliyay magaalada Kisumu ee galbeedka dalka Kenya.
“Mashruucyo badan ayuu Kenya ka fulinayay, intooda badanna waxay ahaayeen qanddaraasyo ay dowladda siisay. Midka magaalada Kisumu ayaa hadda ugu waynaa, wuxuuna gacanta ku hayay oo meel ganacsi oo suuq weyn ah,” ayuu Sheekh Maxamed Diini oo ka mid ah dadkii sida dhaw ula socday xaaladda Bashiir.
Mashruuc ayuu ka fuliyay Soomaaliya
Bashiir wuxuu ahaa nin dhalinyaro oo firfircoon oo kaalin weyn ka qaatay horumarka Soomaaliya. Shirkad uu isagu leeyahay ayaa dhistay xafiiska ay hadda ku shaqeyso wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya, sida Diini uu tilmaamay.
“Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya, xafiiska ay hadda ku shaqeyso oo huteel Jubba u dhaw, shirkaddiisa ayaa dhistay,” ayuu yiri.
Wuxuu ahaa nin deeqsi ah
Wuxuu sheegay in Bashiir uu ahaa nin hami sare leh oo si weyn dadaal ugu bixinayay caawinta dadka kale, wuuna gacan furnaa.
“Wuxuu ahaa nin deeqsi oo gacan furan, haddaad fiiriso CCTV-ga saacadihii ugu dambeeyay ee noloshiisa, waxaad arkeysaa isaga oo dad ka shaqeynayay hoteelkii uu joogay lacag u qeybinayo, farxadda Ciidda darteed”.