“Aniga Oo Xisbiga KULMIYE Ka Tirsan, Haddii Aan Dalka Joogi Lahaa Maalinta Doorashadda Waxaan Codkayga Siin Lahaa Murashax Barkhad Batuun”

“Aniga Oo Xisbiga KULMIYE Ka Tirsan, Haddii Aan Dalka Joogi Lahaa Maalinta Doorashadda Waxaan Codkayga Siin Lahaa Murashax Barkhad Batuun” Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed.
“Asalaamu Calaykum.
Ma aha oo keliya inuu yahay Muwaadin Somalilander ah oo Hargeysa ku dhashay, ku dhaqmay oo ku dhismay, balse Barkhad waxa uu Tusaale iyo Higsi ifiya u yahay Boqolaal kun oo Dhalinyaro ah oo bahda laga saaray oo loo sheegay inaanay han yeelan karin, madaxa kor u qaadi karin oo aanay higsan karin yoolal sare, Barkhad waxa uu rejo geliyay bulsho Takoor xaqdarro ah lagu hayay kumanaan sanadood, taasoo sababtay in ay dhiirran waayaan dhalinyarada muwaadiniinta ah ee ka soo jeeda Beelaha la hayb sooco.
Saddexda Xisbi Qaran iyaga oo fahamsan in Quruxda iyo Qabka Somaliland uu ku jiro in la helo Gole Baarlamaan oo Beelaha Somaliland oo dhami ay ka dhex muuqdaan, ayay go’aansadeen in Muwaadin Barkhad Batuun aan laga garab sharrixin cid kale oo deegaankiisa ka soo jeeda, si uu u helo Codka Beeshiisa oo middaysan iyo codadka kale ee uu heli karaba.
Foolxumo aad u weyn ayay Ummada reer Somaliland ku ahayd in Beelaha la hayb soocaa aanay Xubin keliya ku lahayn Golaha Wakiilada Somaliland.
Waxa kale oo Foolxumo weyn inagu ahayd in Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargeysa oo ka koobnaa 25 Xubnood aanu ku jirin xubin keliya oo Beeshaas ka soo jeedaa, inaga oo weliba ogosoon in Caasimada Hargeysa ay tahay meesha ugu balaadhan ee ay beeshaasi degto, sidoo kale ma jiro Badhasaab keliya oo ay Beeshaasi ku leedahay Dalka.
Si aynu usoo noolayno Sharaftii Ummada Somaliland, isla markaasna u dhisano Baarlamaan Qurux badan oo Ummada reer Somaliland oo dhan wada metela, waxaan ugu baaqayaa Muwaadiniinta Gobolka Maroodi-jeex inay Codkooda iyo Cududooda ku soo saaraan Muwaadin Barkhad Jaamac Batuun oo horseed u noqon doona kumanaan dhalinyaro ah oo reer Somaliland ah iyo weliba dhalinyarada ka soo jeeda Beelaha la hayb sooco oo Barkhad u noqon doono Tusaale ay ku daydaan, isla markaasna ay fahmi doonaan in Dalku uu Dalkoodii yahay, xaqna u leeyihiin gaadhista Yool kasta oo ay doonaan inay gaadhaan.
Ugu danbayn haddii Nasiibku ii saamixi lahaa inaan Dalka joogo maalinta Doorashada, waxaan codkayga siin lahaa Barkhad Jaamac aniga oon u eegin Xisbiga uu ku jiro iyo Qabiilka uu ka soo jeedo midna, balse u eegaya inaynu helno Somaliland Qurux badan oo dadkeedu siman yahay. “
Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Bristol. UK.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker