Wasaaradda Waxbarashada JSL Oo Daabacaadda Manhajka Qaranka Ku Wareejisay Madbacadda Qaranka
Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland oo daabacaadda Manhajka qaranka ku wareejisay Madbacadda qaranka JSL.
Heshiiskan oo lagu qabtay xaruunta Wasaaradda Waxbarashada ayaa waxa si rasmi ah u kala Saxeexday Wasiirka Waxbarashada iyo Maareeyaha Madbacadda qaranka JSL.
Madbacada Qaranka Somaliland ayaa la wareegtay daabacada manhajka waxbarashada dalka oo hore ay u soo daabici jirtay shirkadda Hema Books.