Daawo: Falan-qaynta Ciyaaraha Marcelo Oo Xalay Sameeyey Taariikh Cajiib Ah,

Xiddiga reer Brazil ee Marcelo ayaa xalay u dabbaal-degay kulankiisii 500 aad ee uu u saftay Real Madrid kaddib markii uu ka mid noqday xiddigihii lagu soo bilaabay kulankii ay Real Zaragoza oo ay 4-0 ku xasuuqeen.

Madaxweynaha Real Madrid, Florentino Perez ayaa markii ay ciyaartu dhamaatay waxa uu Marcelo hadiyad ahaan u guddoonsiiyey funaanadda Real Madrid oo magaciisu dhabarka kaga qoran yahay, taas oo sidoo kale ay ku qornaayeen tirada kulamada uu Los Blancos u ciyaaray oo 500 ah.

Marcelo ayaa ku socda inuu jabiyo rikoodhkii Roberto Carlos oo ahaa Ciyaartoygii Ajaanibka ahaa ee kulamadii ugu badnaa u ciyaaray Real Madrid intii ay jirtay, waxaana kaliya uga hadhsan 27 ciyaarood.d

FALANQAYNTAAS OO DHAMAYSTIRAN HALKAN HOOSE KA DAAWO:

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker