Bal dib u xasuuso awoodi Dawladii hore ee Somaliya. By Abdikadir Mohamed Ibrahim.

Wakhti ka mid wakhtiyadii barisaamadka ee awoodi Dowlada Somaliya laga baqan jirey ayaa wafti Dowladdi Somaliya ka socdey waxay booqasho ku tageen wadanka Zambia oo ku yaala konfurta Afrika hada garo waa wakhtiyadii uu xooga badnaa nidaamkii midabkala sooca (apartheid) ka jirey wadanka Konfur Afrika waxayna ka dageen Caasimadiisa Lusaka, Zambia waxay taagero xoog leh siin jirtey Ururkii ANC ee la dagaalami jirey wadanka Konfur Afrika sidaa daraadeed xidhiidhka labada dal muu wanaagsaneen maalmo ka horna intaaney wafdiga Somaliya tagin waxaa hawada dalka Zambia kusoo xadgudbey Dayuurado ciidanka Konfur Afrika Leyahiin iyagoo si weyn ugu digaya haddi aaney joojin gacan siinta ururada Gobanimo doonka ah iney duqeyn doonto.
Wareysi Saxaafadeed uu bixiyey hogaamiyahii wafdigaa oo ahaa Wasiir M. SH. Osman isagoo ka jawaabaya daandaansiga Konfur Afrika waxuu yidhi ” in aaney Somaliya u dulqaadan doonin xadgudub nocaan ah oo mar danbe lagula kaco dalka aanu walaalaha nahay ee Zambia ay tallaabo cad oo Konfur Arika ka shalleyso Somaliya ka qaadi doonto” dib dambana umey dhacin in Konfur Afrika ugusoo xadgudubto Zambia.
Maantase sidaa xaalka wuu ka duwan yahay Dawladdo wakhtiyadii hore waxba ahaan jirin baa Somaliya dhulkeedi iney qaybsadaan doonaya Bal adba……..
abdiqaadir300@hotmail.com
Tell 0634415327

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker