Jose Mourinho Loo Magacaabay Tababaraha Cusub Ee AS Roma
Jose Mourinho ayaa warbaahinta la hadlay waxyar kaddib markii ay AS Roma u magacowday tababaraheeda cusub, isagoo beddeli doona Paulo Fonseca oo kooxda ka tegaya dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Mourinho ayaa qalinka ku duugay heshiis saddex sannadood ah oo Roma uu ku maamuli doono illaa sannadka 2004.
Tababaraha reer Portugal ayaa sheegay in kulan uu la qaatay mulkiileyaasha Roma ee Frienkin Family iyo guddoomiyaha kooxda ay isla qaateen in uu noqdo tababaraha, isla markaana ay isla qeexeen ahdaafta iyo ujeeddooyinka ay doonayaan in ay wada gaadhaan.
Mourinho ayaa yidhi: “Waad mahadsan tihiin qoyska Friedkin (mulkiileyaasha Roma) in aad aniga ii doorateen in aan hoggaamiyo kooxdan weyn iyo in aan qayb ka noqdo hankooda.
“Kaddib kulamo aanu wada qaadanay mulkiilaha iyo Tiago Pinto (maamulaha guud ee Roma), waxa aanu isla markiiba isla fahamnay damacyada iyo hiigsiga AS Roma. Waa isla hiigsiga iyo damaca guuleed ee aniga mar walba i dhiirigeliya, waxaananu wada-jir u doonaynaa in mashruucani guuleysto sannadaha soo socda.