Somaliland: UCID, Ma Xisbiga Ciyaalasuuquu Noqday?

Somaliland waxaa ka jira laba xisbi oo oo qaran ah, Kulmiye iyo Waddani. Xisbiga seddexaad ee UCID, oo uu hogaaamiye u yahay Faysal Cali Waraabe, waxaad moodaa in uu noqday, xisbiga ciyaaalasuuqa.
ย 
Run ahaantii xisbiga waxaa ku jira asxaab fara badan oo karti iyo khibrad leh, lakiinse intuu Faysal “fadh-fadhle” madax ka yahay, meelna ma gaadhayo.
ย 
Waayo, Faysal waa shaqsi wax kasta ku hadla, oo cidla walba oo damacsan in ay la shaqeeyso ay iska hor imanayaan.ย 
ย 
Marka hore, Xisbiga waxaa iska leh dadka Somaliland, ma aha makhaayad u furan Faysal Cali Waraabe oo kaliya.
ย 
Ma ninka 4% helay doorashadii Madaxweyne ee ina soo dhaaftay baa wax la weydiinaya?
ย 
Ma ninka kolba meel isku qaaada, ee aan lahayn miisaan iyo is habeyn baa talo la weydiinayaa?
ย 
Faysal Cali Waraable wuxuu UCID ka dhigay taxi la kiraysto, oo aan xitaa ahayn mid qurux badan, ย oo ah mid qoran ah oo daxalaystay oo saliidu shubaya.
ย 
Ma laga waayey xisbigaa intaa oo sannadood soo jiray, siyaasi ka hurgufa Faysal “fadh-fadhle” meesha?
ย 
Waxaan ugu qiyaasay ย UCID inuu noqday xisbiga ciyaalasuuqa, wuxuu yeeshay astamaaha ciyaalasuuqa;
ย 
Xisbi wax kasta ku hadlaya, xisbi cid walba shaxaadaya, xisbi cid walba shiidaya, xisbi cid walba arbushaya, xisbi cid walba caayaya. Waa xisbi aan rukun lahayn, oo kolba dabayshu dhinac u sido.
ย 
Somaliland waxay u baahantay mucaarid adag oo la xisaabtama xukuumadda dalka. Waddani dhinaciisa wuu ka hayaa hawsha, lakiin, intuu UCID oo Faysal hogaamiye u yahay meesha ku dhex jiro, mucaarid qiimo leh lama helayo.
ย 
Waxaan dadka Somaliland iyo asxaabta UCID ku jirta la gudboon in dib loo dhiso, xisbi sharaf iyo haybad leh.
ย 
ย 
Allaa Mahad Leh
ย 
ย 
Axmed Kheyre

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker