Somaliland Iyo Ingiriiska Ayaa Maanta Mashaariic Horumarineed Kala Saxeexday

Hargaysa:(OWN)-Safiirka Ingriiska u qaabilsan Somaliya Amb. Ben Fender iyo wafdi uu hogaaminayo uu ka mid yahay Madaxa haay’adda Ingriiska u qaabilsan Mucaawanooyinka Caalamigga ah ee DIFID, Mr. Damon Bristow ayaa maanta kullan Haragsya kula qaatay Madaxweynaha Somaliland oo ay weheliyaan Wasiiradda arrimaah dibadda iyo Maaliyadda.

War laga soo saaray Madaxtooyadda Somaliland,ayaa lagu sheegay inay Dhinacyaddu isla soo qaadeen qodobo ay ka mid yihiin xoojinta Xidhiidhkooda,Wada-hadaladda Somaliland iyo Somaliya ,ammaanka Gobolka Geeska Afrika iyo arrimaha Doorashooyinka ee SOmaliland kusoo fool leh.

Madaxweynaha Somaliland ayaa wafdiga Amb. Ben Fender u sheegay inay wada-hadaladda Somaliya ka taagan yihiin Mawifkii ay Hore beesha caalamka ula wadaageen,kaas oo ahaa inay Beesha caalamka dhex-dhexaadiso iyaga iyo Somaliya,waxii lagu heshiinaya cid fulintooda kor-joogaysa la helo.

 Waxa sidoo kale war-saxaafaddeed Madaxtooyadda laga soosaaray lagu sheegay inuu Madaxweynuhu uga mahad-naqay Dawladda UK Kaalmadda ay Somaliland siiyaan,waxaana uu ballan-qaaday inay ka go’an tahay adkaynta Xidhiidhka Beesha Caalamka.

 

Dhinaca Wafdigu waxa War-saxaafeedka lagu sheegay inay Jilayaasha Siyaasadda Somaliland uga mahad-naqeen siday uga go’antahay Geedi-socodka Dumuqraadiyadda Somaliland iyo qabsoomidda Doorashooyinka.

 

Madaxweynaha Iyo Madaxa Haay’adda Mucaawanooyinka UK ee dibadda,aya halkaas ku kala saxeexday wajiga labaad ee dhaqaalaha uu Ingiriisku kaga qeyb-qaadanayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF iyo sidoo kale Heshiisyo lagu hor-marinayo Khyeraadka tamarta Somaliland.

Image may contain: 1 person, sittingImage may contain: 4 people, suitImage may contain: 2 people, people sitting, living room and indoorImage may contain: 8 people, people smiling, indoor

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker