Libaax ka Baxsaday Beerta Libaaxyada Hargeysa Oo Dhaawac Culus U Gaystay Hal Qof

Ciidanka Booliska Somaliland waxay ku wargalinayaan Bulshada somaliland gaar ahaan Caasimada  Hargeysa in ay  baxsaday mid  ka mid ah Libaaxyadii ku Xaraysnaa Beerta Xayawaanka Ee Warancadde

Hadaba waxay Ciidanka Booliska Somaliland ugu digayaan   bulshada   in ay ka feejignadaan Libaaxaas  Baxsadka ah isla markaana cidii aragtaa ay la soo socdsiiso Ciidamada Booliska.

Halka dadka qaar ka mid ah ay sheegayaan inay laba Libaax baxsadee, Ilaa hadda inta la xaqiijiyay hal qof oo dumar ah  ayaa dhaawac culus kasoo gaadhay weeraro uu Hargeysa dhexdeeda ka geysanayo Libaaxyadii ka baxsaday beerta Warancadde ee lagu xanaaneeyo.

Goobjoogayaal ayaa  xaqiijiyay in haweenaydan oo ahayd dadka waddooyinka ka dawarsada  ee qawymiyada Oromada uu Libaaxu ku dhaawacay agagarka goobta uu ka baxsaday ee Xafaada New Hargeysa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker