Ila Qosol
Haweeney ayuu Ilaahay (SWT) ugu deeqay gabdho fara badan. Sida dabeecadda Aadmaha ahna waxay aad u jeclaysatay, in ay wiil(al) dhasho – maadaama ay gabdho badan haysato.
Dabadeedna waxay go’aansatay, inay sheekh ka mid ah culimada degaankeeda ka codsato; in uu u duceeyo oo u Eebbe wiil(al) u weydiiyo.
Haddaba, maalin maalmaha ka mid ah; ayay u yeedhay wadaadkii oo ay cunto u samaysay – si uu Ilaahay ugu baryo oo ay wiilal u dhasho!
Markii uu sheekhii raashinkii ka faraxashay ee uu duceeyey, ayay haweenaydii soo qaaday daasad yar oo islaamuhu lacagta ku urursan jireen ooย sigaaroย la odhan jirey.ย Markaasay intii ku jirteyba, wadaadkii gacanta ugu shubtayย – iyada oo rabtey; in ay sheekha aad uga farxiso.
Daasaddii waxa ka soo dhacayย afar gambo –ย afarta gambo waxa la odhan jirey,ย bowladย oo illaa 1970 naadkii, Somaliland magacaasi ayaa loo isticmaali jireyย afarta gambo.ย Shanta gambana waxa la odhan jirey,ย Sumuniย oo wuxu ahaaย Shilinka badhkii.
Marka ay arrintu halkaasi marayso, ayuu wadaadkii oo yaabban oo saluugey waxan la siiyey; haweeneydii dib u jaleecay oo ku yidhi,”ย Wallee bowlad ayaanad wiil ku dhalin!?ย ย
Email: timacadde56@hotmail.com