Sidee shaqo loo helaa ama loo abuuraa : W/Q Farxaan Maxamed Sultan (Rakad) Q. 2’aad
Sidee shaqo loo helaa ama loo abuuraa W/Q Farxaan Maxamed Sultan (Rakad) Q. 2’aad
ü Inta shaqo la’aantu hayso maxaa sabab u ah
ü Inta shaqaysa maxaa sabab u ah inay shaqeeyaan
1. Dawlada iyo saammeynta ay ku leedahay shaqo la’aanta
2. Shirkadaha ganacsiga iyo saammeynta ay ku leeyihiin shaqo la’aanta
3. Jaamacaddaha dalka iyo saammenta ay ku leeyihiin shaqo la’aanta
Waxaan hore uga sii socon doonnaa maqaalkeennii hore ee ahaa sidee shaqo loo hellaa ama loo abuuraa, hore waxaynu u soo qaadanay 21 qodob oo haddii qofku dedaalo uu shaqo iyo rejo wanaagsan uu hellayo, haddaba waxaan sidoo kale ka jawaabi doonnaa shanta su’aalood ee xagga sare ku qoran
Inta shaqo la’aantu hayso maxaa sabab u ah
Shaqo la’aantu waxay ka jirtaa caalamka oo dhan waanna lagu kala badan yahay, waxaannay ku xidhan tahay sida dalkastaaba waxsoosaar iyo horumar ugu tallaabsado.
Inta shaqo la’aantu hayso waxa u sabab ah , calafka iyo nasiibka ay u yeesheen innay shaqo la’aan noqdaan se haddana waxa aynu odhan karnaa waxa sabab u ah aqoontooda, kartidooda , dedaalkooda oo aan la mid ahayn inta shaqaysa, waayo waxa laga yaabbaa in qofka bilaa shaqadda ahi aannu lahayn aqoon ama xirfad shaqo oo dadka wax ka tarta, sidoo kale waxa laga yaabbaa inaannu dedaal badan iyo meelo badan aannu marin oo uu doonnayo innuu hello shaqo raaxo leh oo lacag badan , taasina goorta la hello waa goor fog oo aan la qiyaasi karin.
Haddii aqoonta aad baratay aannay wax ka tarayn bulshadda aad la nooshahay shaqo la’aantu waa wehelkaaga , haddii aqoonta aad baratay aad shaqo doon badan oo samir badan leh ku dartidna waxaad nasiib u yeellan kartaa innaad shaqo heshid, shaqo la’aantu waa cadawga dalkasta waanna cadawga wax soosaar la’aanta haddii aad aragtaan waddan shaqo la’aantu ku badan tahay waxa xaqiiqa innuu yahay waddan aan wax soosaar lahayn , hoggaanka iyo maamulka ka jiraanna aannu daacad u ahayn, shacabka iyo qaybaha kala duwan ee bulshadduna aannay xoogga saarin sidii ay uga bixi lahaayeen shaqo la’aanta.
Runtii way jiraan dhallinyaro badan oo bilaa shaqo ah, se dedaal iyo aqoonba yeeshay kuwaasinna nasiibkooda ayaa ahaa, se waa in ay wax ka beddelaan qaabka shaqodoon, qaabka noloshooda oo ay waalidkood ka duceystaan, Alle ku xidhnaadaan, cibaado, camal wanaagsan iyo samir badanba u yeeshaan intay shaqodoonka ku jiraan se waxaan kuu sheegayaa haddii aad si daacadnimo leh oo Alle ka cabsi leh aad shaqo u raadsatid innaanad waayeyn oo aad mar un hellaysid, haddaba si aad shaqo u heshid ku kalsoonow aqoontaada, wixii ka dhimmana dib u baro oo iska soo dhis meelaha aad ka liidatid, waxaad arkaysaa arday dhan oo jaamacad ka baxay oo aan garanayn qaabka computerka loogu shaqeeyo ama wax loogu qoro, waxaad arkaysaa arday dhan oo jaamacad Engineering ah ka soo baxay oo aan Nashqad yar sammayn karayn, muhiimaddu waxay tahay innaad shaqo abuurtid, ama shaqo doonka u sammirtid.
Inta shaqaysa maxaa sabab u ah innay shaqeeyaan
Haddaan ka jawaabno inta shaqadda haysa, maxaa sabab u ah innay shaqaystaan, jawaabteeddu waxay noqonaysaa Qoraal Alle, sidoo kale waa nasiib iyo calaf ay dheer yihiin, se waxa ku lamaan oo ay sammeeyeen dedaal xooggan oo dhinac walba ah, waxay ku dedaaleen innay xidhiidh wanaagsan Alle la yeeshaan, aqoon hellaan, bulsho bartaan, shaqo raadsaddaan , shaqsiyadooda dhisaan ka dibna noqdaan kuwo shaqaysta.
Inta shaqadda haysa waxay buuxiyeen meelkasta oo ay dhalliil ku lahaayeen , waxaannay sammeeyeen innay meelkasta umareen innay shaqo hellaan, u samraan, unna adkeystaan caqabadaha shaqada, sidoo kale inta shaqada haysa waxay shaqada ka soo bilaabeen xagga hoose waxaannay soo qaateen waayo-aragnimo ay ku shaqo galleen, waxay sammeysteen xidhiidho kala duwan, waxay dhiseen dabeecadooda, dhaqankooda, diintooda, dedaalkooda, xirfadooda, iyo meelkasta oo ay islahaayeen waad ka liidataa, ujeeddooyinkaas oo dhan waxay u dan lahaayeen innay shaqo hellaan waannay helleen, mustaqbalkanna iyaga ayaa noqon doonno ganacsadayaal waayo waa waayo- arag meello kala duwan ka soo shaqeeyay oo soo halgamay.
Meelkastood martid, aqoonkastood heshid, xirfadkastood heshid shaqadaadu waxay ku xidhan tahay innaad raadsatid oo laguu aqoonsaddo inaad tahay qofkii shaqaddaa yaqaannay maalinta lagu aqoonsaddo oo aad noqotid qof loo baahan yahay waa maalinta aad gaadhey hadafyadaadii go’aamo nololeedna aad gaadhi kartid.
Haddaba si aad shaqo u heshaan, inta haysanna u ilaashadaan marna ha ka weecan sifooyinka wanaagsan ee qofka muslinka ah ama dib ugu noqo 21kii qodob ee aan hore u soo qoray Q1aad.
La soco qaybaha dambe……………………..
Maqaalkani wuxuu noqon doonnaa mid taxanne ah Haddii aad ka heshay igu dhiirri gali tallana ka soo bixi.
Farxaan Maxamed Sultan (Rakad)
Facebook: Rakad Mxd Sultan
Article: 324
Tell: – 063-4400319
Berbera.