Hoggaamiyaha Mucaaradka Russia Oo Caafimaadkiisa Laga Deyrinayo

Hoggaamiyaha mucaaradka waddanka Russia Alexey Navalny ayaa caafimaadkiisa laga dayrinayaa, waxaana sida ay sheegeen dhaqtiirta la socota warbixinta caafimaadkiisa ay dhici kartaa inuu geeriyoodo haddii aanu helin gar-gaar caafimaad oo deg-deg ah.

Navalny oo ah 44-jir ayaa la xidhay 17-kii bisha Janaayo, kaddib markii uu ku soo laabtay Russia isagoo ka yimid Germany, halkaas oo muddo shan bilood ah lagu dabiibayay, kaddib markii sida lagu eedeeyay ay sumeysay dowladda Russia, hase yeeshee eedeysantaas Moscow waa iska fogeysay.

Dhaqtarkan oo la yiraahdo Yaroslav Ashikhmin ayaa sheegay inay hoos u dhaceen urunyada caawiya garaaca wadnaha iyo kalyaha, wuxuuna sheegay inay keeni karto inay istaagaan, sidaasna uu ku geeriyoodo.

“Bukaankeennu wuu dhiman karaa daqiiqad kasta,” ayuu dhaqtarkan ku yidhi qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Navalny oo ah ninka ugu tunka weyn mucaaradka Madaxweye Vladmir Putin ayaa raashinka ka soomay, kaddib markii loo diiday inay xabsiga ku soo booqdaan dhaqaatiirtiisa gaarka ah xilli ay la soo gudboonaadeen xanuunno dhinaca dhabarka iyo lugaha ah.

Hoggaamiyahan ayaa lagu xukumay laba sano iyo bar xabsi ah, sababo la xiriira musuq-maasuq, wax is-dabamarin iyo been abuur sida ay sheegeen saraakiisha Russia, hase yeeshee wuxuu Navalny sheegay in xukunkaas uu ahaa mid la xidhiidha siyaasadeed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker