Mareykanka Oo Xayiraad ku Soo Rogay Muslimiin U Dhashay Dalka Uganda

Mareykanka ayaa xayiraad dhanka Fiiisaha ah ku soo rogay saraakiil u dhashay dalka Uganda oo uu ku eedeeyay inay wiiqeen dimuqraadiyadda waddankaas.

Go’aanka oo uu shaaciyay Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa daba socda xadhig loo geystay boqolaal ka tirsan taageerayaasha mucaaradka Uganda.

“Waxaa jira cawaaqib ka dhasha faragelin kasta oo lagu sameeyo hannaanka dimuqraadiyadda,” ayuu ku qoray bartiisa Twitter. Lama shaacin magacyada mas’uuliyiinta uu Maraykanka ku beegsaday xayiraadda.

Mucaaradka ayaa sheegay in dad ka badan 400 oo qof weli la la’ yahay kuwaas oo ay qabteen laamaha ammaanka ka hor doorashadii dhacday January.

Horraantii toddobaadkan, khubarada xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay dowladda Uganda inay joojiso cadaadiska ka dhanka ah mucaaradkeeda.

Xukuumadda Uganda ayaa Khamiistii qirtay inay xidhay dad ka badan kun qof oo ay u haysato falal la xidhiidha doorashadii dhacday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker