Madaxweynaha Jubaland Oo isbadel ku sameeyay taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo Nabadsugidda Jubaland.
Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa isbadel ku sameeyay taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo Nabadsugidda Jubaland.
Wareegto ka soo baxday madaxweyne Axmed Madoobe ayaa taliyaha ciidamada Booliska Jubalanad loogu magacaay S/G Maxamed Cabdi Sheekh, halka ku xigeen looga dhigay S/G Maxamed Guuleed Xasan.
Sidoo kale Agaasimaha guud hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubaland ayaa loo magacaabay Maxamed Axmed Sabriye.