Ila Qosol
Xilligii u Faransiisku xukumi jirey Jubuuti, ayuu nin reer miyi ahi Jubuuti u soo safray. Intii uu magaalada ka muraadsanayey, ayuu arrin magaalo-joog-xuma ah ku kacay. Dabadeedna, inta la qabtay ayaa la xidhay. Waxana lagu xukumay, xadhigย saddex bilood ah.
Ninkii reer baadiyaha ayaa garan waayey waxan loo haysto ee uu biiyey!
ย Haddaba si looga dhaadhiciyo waxa loo haysto awgeed,ย ayaa loo qabtay turjubaan (interpreter) soomaaliyeed oo ka dhaadhiciya dambigan loo haysto iyo xadhiggu wuxuu yahayba.
Turjubaankii ayaa u sharraxay, waxa lagu haysto iyo muddada lagu xukumayba. Markii uu arrintii fahmay ee lagu yidhi, ” Saddex bilood ayaad jeelka fadhiyaysaa oo reerkaagii kuma noqonaysid;” ayuu isaga oo yaabban turjubaankii ku yidhi, ”ย Walaalkay Saancadaalaha waxad ku tidhaahdaa, baylah badan baa ii taalla, riyihiina xilli xun bay dhaleen oo waaba saddex biloode; maalin keliya ma haleelayo ayuu ku yidhi ku dheh!!
Allahayoow nin aan waxba ogeyn ha cadaabin!
Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com