Netanyahu oo raalli gelin ka bixiyay lahaystayaal meydadkooda lagasoo helay Qasa

Waxaa isa soo taraya cadaadiska gudaha iyo dibadda ah ee saaran ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, kadib markii la helay meydadka dad gaaraya 6 qof kuwaas oo kamid ahaa kuwii ay xamaas qafaasheen markii uu dagaalka bilowday.

Netanyahu ayaa dadweynaha weydiistay cafis ku saabsan in uu ku guuldareystay samatabixinta la heystayaasha, balse tani ma ahan mid abuureysa tanaasul cusub.

waxaana sii kordhay mudaharaadyada ay sameynayaan Israa’iiliyiinta kuwaas oo doonaya heshiis xabad joojin.

Hadaladiisa ayaa yimid iyadoo mudaaharaadyo xooggan oo waddooyinku ay ka cabanayaan sida uu u maareeyay wadahadallada ay galeen habeenkii labaad ee Israa’iil.

Cadaadiska ayaa sidoo kale si caalami ah kor ugu kacay markii UK ay joojisay qaar ka mid ah hubka ay ka iibin jirtay Israa’iil, sababo la xiriira khatarta qalabka loo isticmaalo iyo xadgudubka sharciga caalamiga ah.

Kumanaan Israa’iiliyiin ah ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka dibadbaxyo cusub oo ay ku baaqeen qoysaska la haystayaasha si ay u muujiyaan sida ay uga caraysan yihiin in Netanyahu uu ku guuldarraystay in uu ehelkooda u soo celiyo dalkooda ku dhawaad ​​11 bilood ka dib.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker