Wararkii Ugu Danbeeyey Yuhuuda Oo Weerar Ba’an Ku Qaaday Gaza

Wasaaradda caafimaadka ee Falastiiniyiinta ayaa sheegtay in duqeyn ay diyaaradaha Israa’iil ka geysteen xero qaxooti oo ku taal Gaza ay ku dhinteen ugu yaraan todobo qof.

Mas’uuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay in dadka dhintay ay kamid yihiin carruur iyo qof dumar ah oo ku sugnaa xerada Al-Shati ee waqooyiga magaalada Gaza.

Xooggaga Falastiiniyiinta oo ka fal-celiyay duqeynta ayaa gantaallo ku ganay magaalada Beershiiba ee Israa’iil.

Ku dhawaad 140 qof ayaa ku dhintay Gaza tan iyo markii ay colaaddu billaabatay Isniintii. Gantaallada Falastiiniyiinta ayaa gudaha Israa’iil ku dilay 8 qof.

Halkan hoose ka daawo wararkii ugu danbeeyey

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker