Ila Qosol
Haddaba, nin Soomaaliyeed ayaa 1990 naadkii soo galay waddan ka mid ah waddamada reer Yurub.
Ninkaasi oo dhallinyaro ahaa, ayaa afkii waddankaasi si fiican u bartay. Markuu cabbaar deganaana waxay is barteen gabadh waddankaasi u dhalatay. Markii ay muddo wada socdeenna, waxay ku heshiiyeen; in ay is guursadaan.
Haddaba, markii uu in muddo ah gabadhii qabay; ayuu go’aansaday, in uu reerkoodii arrinta wargeliyo oo uu u diro: woxogaa lacag ah, cajalad (maqal) ah iyo sawirro isaga iyo gabadha uu guursadey ah!
Alaabtii iyo lacagtii oo uu u sii dhiibey nin aamin ah oo uu garanayey, ayaa aabbihii farta laga saaray.
Odaygii cajaladdii ayuu dhageystay, sawirradiina wuu daawaday. Aabbihii wuxu sawirradii ku arkay, inankiisii hebel oo agtaagan; inan reer Yurub oo indho buluug ah leh. Dhan kasta markii uu odaygii sawirradii ka eegayna, wuxu arkay; inankiisii oo dhan walba gabadha ugu hoos shiiqay oo bahdilan – xagga midabka, dherarka, dhumucda…!
Aabbihii Soomaaliyeed wuxu go’aansaday, in uu inankiisa cajalad waano iyo wax-u-sheeg ah u soo duubo oo u ugu soo dhiibo ninkii alaabta loogu sii dhiibey oo inanka garanayey.
Haddaba waxa is weydiin leh, muxuu odaygu cajaladda ku soo duubay?
Aabbihii wuxu ku soo qabtay cajaladdii, duco iyo xogwarran kaddib, hadalkan la yaabka leh oo ah:
“Gabdhaha Caasha, Cibaado iyo Cambaraba leh ee carro’edeg ka buuxa ee caacda haya calafka kuu diidey ee cowshaasi kuu geeyey, cidluu ku dhigee; waar
ninka iga dishaye, magtiisii ii soo dir!!”
Allahayoow ma nin! Ka-la-maan iyo maanta taagan!
Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com