Dal halkuu u dhintaa? Ma dad xumi mise dawlad xumi?
Dadku waa madax iyo mijo – in talisa iyo in loo taliyo, in waxa hagta iyo in la hago, in arrin keenta iyo in aqbasha. Dawlad kastaa ayadaa dadweynaheeda u talisa oo hagta, aragtida iyo arrinka ay ku dhisayso dalka iyo dadkana la timaada.
Hadda haw qaadan in dadka talada dalka iyo dadkaba hayaa ay ka maskax fiican yiin kana aqoon iyo arriminba wacan yihiin dadka ay hogaamiyaan. Hab-dhaqanka aadmiga ayaa in laysu taliyo lana wada tashado cid gaar ahna kolba talada loo dhiibto ku dhisan.
Aragtida iyo arrinka togan ee dal lagu dhiso dadkana lagu daadihiyo waxa curinteeda iska leh oo markastana looga fadhiyaa in ay soo dejiyaan madaxda talada dalka haysa dadkana u talisa.
Seddex dhardhaar ayey dawladda dal kastaa leeyahay ka samaysan tahay; waa madaxtooyada (Waaxda fulinta – Executive Branch), Baarlamaanka (Waaxda Sharci Dejinta – Legislative Branch) iyo Waaxda Garsoorka – Judiciary Branch).
Somaliland waxaabay leedahay dhardhaar 4aad oo la yidhaahdo “Guurtii” oo noqday sanawaatkii ugu dembeeyey hay’ada Somaliland u qaabilsan kordhinta muddo xileedka madaxweynaha iyo Golaha xildhibayaasha Baarlamaanka iyo dibu dhigida doorashooyinka Golayaasha dawladda hoose iyo ta sareba.
Waaxda fulintu oo ah Madaxweynaha iyo wasiirada waa qaybta u xil saaran hagida iyo hogaaminta dal walba oo looga baahan yahay durruuf kasta oo timaada in ay noqdaan mashiinka, muruqa iyo maskaxda rogta giraanta hagaajinta, horumarka iyo horusocodka dadweynaha dal waliba haabka ku hayo ee uu higsanayo in uu gaadho had iyo jeer.
Waaxada Sharci Dejintu oo ah Baarlamaanka waxa dadweynu u doortaa in ay: Kow, ugu horayn metelaan dadka soo doortay oo ay illaaliyaan una doonaan wixii haq ah ee dawladda kaga maqan; Laba, in ay ka illaaliyaan oo aanay marnaba u ogolaan waaxda fulinta, waa madaxweynaha iyo wasiirada wasaaradaha dalku, in ay siday jecel-yiin dalka u hogaamin, sida ay doonaana distoorka dalka kolba u turjumin, hantida dalkana sida ay doonaan ka yeelaan oo aanay ku tagrifalin, seddex, in ay illaaliyaan ku dhaqanka distoorka dalka u yaal, hubiyaan hirgelinta in aanu qofna awooda dawladda gacantiisa ku qaadan, kii ku qaatana la ciqaabo.
Waaxda garsoorka oo ah maxkamadaha dalka waa hay’ada u xil saaran in cadaaladu shaqayso, dadweynaha u gar qaada, eegta ee fasirta distoorka marka shuruucda dalka u taal laysku qabto, dawlad iyo dadweynana marka is qabsadaan si aan lahayn eex u kala furdaamisa.
Dadka aan waayihii soo maray waxba ka baran, waxay ku jabaan kama waantoomaan.
Dal waliba caynka uu yahay waxa laga arkaa nolosha dadkiisa iyo habka iyo hanaanka madaxda u kacday u shaqayso.
Bal u fiirso madaxda Somaliland: Nin waloo xildooniba waxa la macaanaada markuu xilka qabto wixii uu ku caayi jirey kuna dhaliili jirey ka talada dadka iyo dalkaba haya.
Ku sinaan dharaartii Somaliland isu talisay maamulba maamulkii ka horeeyey ayuu walaaqdaa qudhinkii iyo qashaabiirkii ay kuwii horee talada dadka u qabtay kuna fishilmay ku dhaqmi jireen. Musuq, eex, iyo wacad la jabiyo midna madaxda Somaliland kama waantoobaan. Ku darsoo maamulka hadda ka taliya Somaliland wax aan hore u dhicin oo laf jab ku ah dawladnimada iyo dadnimada dadka Somaliland ayuu la soo baxay.
Islaan AHN la odhan jirey ‘Rubaabi’ oo reer Berbera ahayd oo in yar oo ‘BAFI’ ku jirtay ayaa halhays u lahayd : haadaa xaqii, albunuuk xaqii; alfuluus xaqii: alard xaqii; al-camaayir xaqii; alqahaawi xaqii; alshawaaric xaqii; assayaaraat xaqii; almadaaris xaqii….. iwm”.
Hadda Muuse Biixii maxuu yidhaahdaa? Haadaa Dukaanii. “Somaliland dukaanii; maafiish axad yaguulnii kidaa walaa kidaa.” .
Jama Ismail
jamafalaag@gmail.com