Masuul Ka Tirsanaa Wasaarada Waxbarashada Somaliland Oo Midi Nafta Lagaga Jaray.
Alle ha u naxariiste Xamse Maxamuud Nuur (Xamse-JIIR) ayaa caawa gacan ka xaq-darani ku dishay Xaafada Aktoober ee Magaalada Hargeysa.
Sidaa waxa Shabakada u xaqiijiyay mid ka mid ah ehelada Marxuumka oo aan khadka telefoonka kula xidhiidhnay, Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay Taliska Ciidamada Booliska Somaliland oo la xidhiidha dilka marxuumkan.
Hasayeeshe wararka na soo gaadhaya ayaa waxay sheegayaan in gacan ku dhiigluhu uu marxuumka la dhacay midi oo uu nafta kaga gooyay, Ilaa imika lama garanayo waxa sababay dilkan marxuumka.
Alle ha u naxariiste Marxuum Xamse Maxamuud Nuur ayaa waxa uu ka tirsanaa kormeerayaasha Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska gaar ahaan Gobolka HAWD.