Ciidanka Dabdemiska Hargeysa Oo ka hortagay khasaare ay geysan lahayd Haanta Gaasta ee cuntada lagu karsado.
Ciidanka Dabdemiska caasimada Hargeysa ayaa hawlgal ay ku baxeen xaafada Biibsiga ee magaalada Hargeysa waxay ka hortageen khasaare ay geysan lahayd Haanta Gaasta ee cuntada lagu karsado.
Ciidamada oo adeegsanaya xirfada, aqoonta iyo duruus uu bixiyay Taliyaha ciidanka Dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili oo ku saabsanaa qaabka looga hortago inuu Dab ka dhasho amaba loo damiyo, ayaa ku guuleystay Inay dabkaas damiyaan.
Ma jirin khasaare ay geysatay haantaasi, waxaana ciiidamadu ku wacyigeliyeen dadkii ku noolaa hoygaas qaabka ugu sahlan ee loo damiyo ama looga hortago in waxyeelo ka timaado, iyadoo ciidanku u sheegeen in marka Haanta la daminayo la adeegsado maro laabqoyan ah oo aan ahayn maro shiida, Isla markaana hal mar lagu damiyo iyadoo hawada laga xidhayo.
Dhanka kale ciidanku wuxuu bulshada ku wacyigelinayaa inaanan banaanka loo soo qaadin Haanta, balse iyadoo Kijada Guriga dhextaala laga xidho Qaybta Afka hore ee Furaha Gaasta.
Ugu dambayna waxay ciidanku ku wargeliyeen Inaan Haantaas dib loo adeegsan, ilaa inta lagu samaynayo dayactir.