Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL Oo Sheegtay Inuu Sare U Kacay Dadka Laga Helay Cudurka Covid-19
Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa xalay shaacisay 122 qof oo hor leh oo uu ku dhacay cudurka Covid-19 kadib markii saacadihii ugu dambeeyay cudurka laga baadhay 650 qof, halka tirada dhimashada ay gaadhayso 141 qof.
Somaliland ayaa dhawaan sheegtay in labadii bilood ee la soo dhaafay uu dad badan soo ritay xanuunka Covid-19 oo mawjaddii labaad ah.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in xooga saareyso wacyigelinta iyo qaababka kale ee looga hortagayo faafidda cudurka haddii loo baahdana ay soo rogi doonaan tallaabooyin dheeraad ah.