Qaar ka Mid Ah Somalida Ku Nool Denmark Oo Sharciga Lagala Noqotay
Xeerbeegtida go’aan kagaadhista kiisasaka magangalyadoonka (Flygtningenævnet) ayaa joojiyey 100 kiis oo Soomaali lagu mastaafurin lahaa dalka Denmark.
Marka uu guddigu maareynayo kiisaska dadka ciqaamada lagala noqonayo iyo kuwa loo diidayo in loo dheereeyo ciqaamada shantii kiisba mid kamid ah ayaa laga noqdaa go’aankii hore.
Isugeyn tiro kabadan kalabadh ayaa ama go’aankii hore laganoqdaa ama lagu celiyaa hay’ada agaasinka qaxootiga (Udlændingestyrelsen ) si ay qiimeyn cusub ugu sameyso go’aankeedii hore.
Sidaas waxaa lagu ogaadey xog uu helay wargeyska Berlingske kanasoo baxdey xeerbeegtida maareyta abiilka magangalyodoonka(Flygtningenævnet) .
Dibu celinta soogalootiga aan xaq ulaheyn magangalyo ayaa ah qodobka ugu muhiimsan ee dawladii hore iyo tan cusub labadaba.
Kiisaska noocan ah ee uu go’aankeeda gaadho Udlændingestyrelsens ayaa ambiil looga qaataa Flygtningenævnet kuwaas oo iyagu go’aanka kama dambeysta ah qaata.
Hay’ada agaasinka ajanabiga (Udlændingestyrelsen) waxa ay laga soo bilaabo sannadkii 2017kii maareysay 1100 kiis oo Soomaali sharciga lagala noqonayo ama codsiga ciqaamad dheeraynta go’aan laga gaadhayo.
Gudida xeerbeegtida (Flygtningenævnet) ayaa intaas kadib ay soo gaadheen 550 ambiil oo loosoo qaatey kuwaas oo 458 kamid ah hada la qiimeeyey sida uu xog kuhelay Radio Hormuud .
91 kamid ah kiisaskaas waa laga noqday go’aankii hore Soomaalidaas laga gaadhey hada laga bilaabana dalka Denmark way joogi karaan.
155 kiisna waxaa lagu celiyey Udlændingestyrelsen si ay qiimeyn cusub ugu sameeyaan, halka 212 kiisna ay xeerbeegtidu ku adkeysatay go’aankii hore loo gaadhey .
Wararka Soomaalida Denmark markasta kala soco Radio Hormuud oo arinkaas xil iska saaray.
Waxaa diyaariyey
Mohamed-amin Siyad Abdi
Moa3005@gmail.com