Xaaladda Isla Xisaabtanka Soomaaliya Sanadka 2020
Soo Koobid
Sharciga oo liita iyo hay’ado aan jirin oo la xisaabtama kuwa awooda haya, bixinta laaluushka ayaa ku soo badanaya Soomaaliya, gaar ahaan meelaha ay ku xoogan tahay dowladu. In kasta oo guud ahaan bixinta laaluushka ay tahay 14%, waa tiro go’an maxaa yeelay joogitaanka dawladdu ee gobolladu wuu daciifsan yahay ama kama joogo dalka intiisa badan. Degmooyinka Muqdisho qaarkood, oo ah halka ay ku xoogan tahay dawladdu, bixinta laaluushka waxay gaareysaa ilaa 50%. Baahida laaluushka ayaa ugu badan ciidamada amniga ee dowladda federaalka, kuwa amniga gobolka Banaadir, iyo Al-Shabab. FMS-yada Dowlad Goboleedka Koonfur-Galbeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir waxay arkaan dalab laaluush oo aad u badan, taasi oo xoojinaysa qiimeynta ah in joogitaanka dawladda ee gobol ay astaan u tahay kororka dhacdooyinka bixinta laaluushka.
Xoojinta hayádaha amniga iyadoo aan la xoojin xukunka sharciga ayaa u horseedaya Soomaaliya inay yeelato dowlad aan xakameynin sharciga isla markaana aan ka jawaabin rabitaanka shacabka. Kuwa maalgashiga ku sameynaya amniga Soomaaliya waxaa saaran waajibaad akhlaaqeed oo ah inay dalbadaan oo ay maalgashi badan ku sameeyaan sharciga iyo dimuqraadiyeynta, oo ay ku jiraan la-dagaallanka musuqmaasuqa, ama waxay khatar ugu jiraan inay abuuraan dowlad kali-talis ah. Dawlad noocaas ah ma fulin doonto ujeeddada deeq-bixiyeyaasha Soomaaliya, maadaama argagixisada weli aan la xakamayn doonin iyadoo awoodda dawladda loo weeciyay ilaalinta danaha shaqsiyadeed ee madaxda dawladda.
Hordhac
Burburkii dowladnimo ee Soomaaliya 1991 waxaa ka horreeyay 22 sano oo kali-talisnimo ah oo la burburiyay hay’adihii isla xisaabtanka, iyo nabaad-guurka ku yimid sharciga iyo adeegsiga naxariis darrada ah ee awoodeed ee dowladdu si ay ugu sii hayaan hoggaanka talada haya. Nasiib darro, Soomaalida waxay umuuqataa in wax yar ay ka baratay cutubkaas ee taariikhdeena. Dib-u-dhiska Soomaaliya, maalgashiga ugu badan wuxuu galay xoojinta dowladnimada iyada oo aan la xoojinin ku dhaqanka sharciga ama aan la dhisin hay’adaheeda madaxda lagula xisaabtami karo. Tani waxay lamid tahay dhisida gaari aan lahayn astaamaha amniga sida biririfta iyo barkinta shilka. Iyadoo aan la helin hay’adihii lagama maarmaanka u ahaa inay xakameeyaan awoodda ciidamada amniga, kalsoonida bulshada ee dawladda iyo rabitaankooda ah inay ixtiraamaan ku dhaqanka sharciga ayaa yaraanaya maadaama awoodda dowladnimada loo adeegsado siyaasadda, sharciguna uu doorbido laaluush-bixiyeyaasha.
Jidka hadda uu ku socdo qarankii Soomaaliyeed ee dib loo yagleelay ma dhiirrigelinayo kalsooni in natiijada ugu dambeysa aysan noqon doonin mid ku burburisa dowladnimada haddii iyo marka la joojiyo taageerada caalamiga ah. Warbixintaani waxay muujineysaa in laaluush bixinta aysan kaliya ku badneyn dalka oo dhan, laakiin sidoo kale ay si aad ah uga sarreyso meelaha ay dawladda ugu xoog badan tahay. Tani waxay muujineeysaa in maalgashiga aan habooneyn ee amniga ee aad kaga badan maalgashiga sharciga iyo dimuqraadiyeynta ay keentay in ciidamada amniga aan la xisaabtami karin marka laga reebo kuwa mushaharka siiya; caddaaladda oo laga iibiyo lacag-bixiyaha ugu sarreeya; iyo tixgelin la’aanta awooda dawladeed ee muwaadinka.
In kasta oo deeq bixiyaasha caalamiga ah ee Soomaaliya ay canshuuraha dadkooda ku bixiyeen taageerida dimuqraadiyeynta Soomaaliya, wax yar baa iska bedelay sagaalkii sano ee la soo dhaafay. Xubnaha baarlamaanka waxaa soo xushay shakhsiyaad aan haysan awood ay ku metelaan dadweeynaha. Haddii aan la helin dowlad lala xisaabtamo, suurtagal ma ahan in shacabka ay saameyn ku yeeshaan mustaqbalkooda ama ay ku aaminaan in dowladda ay wakiil ka tahay danahooda.