Madaxweynaha Jabuuti oo madaxweynaha Soomaaliya gudoonsiiyay billad sharafta ugu sarreysa dalkaas

ย Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xalay madaxweynaha Soomaaliya guddoonsiiyay billad sharaf lagu tilmaamay midda ugu sarreysa ee ay bixiso Jabuuti.

Sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu ammaanay ama ku mutaystay billadanย  kaalintiisa xoojinta xiriirka labada dal.

Booqashada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee dalka Jabuuti, ayaa lagu sheegay inay billow u tahay sidii loo horumarin lahaa xiriirka qotodadheer ee labada dal, loona adkeyn lahaa tiirarka ka dhaxeeya labada shacab.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu hadal ka jeediyo Baarlamaanka Jabuuti, si uu uga xog- warramo xaaladda iyo duruufaha Soomaaliya.

Socdaalka Jabuuti kadib, waxaa lagu wadaa inuu madaxweynuhu u safro dalka Itoobiya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker