Hablo Wax Ka Barta Dugsiga Nuuradiin Oo Waxyeelo Ka Soo Gaadhay Sun Lagu Buufiyay!!.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland Axmed Maxamed Toorno ayaa booqday qaar ka mid ah Hablaha wax ka barta Dugsiga Nuuradiin ee ku yaala Magaaladda Hargeysa, kuwaas oo ay waxyeelo ka soo gaadhay sunta dadka ka ilmaysiisa oo lagu buufiyay.
Maxamed Dalmar oo ka mid ah waalidiinta ubaadkaasi ayaa ii xaqiijiyay in ay hablahaasi qaarkood ku sugan yihiin xaalad adag, taas oo ka dhalatay ka dib markii ay labo hablood oo dugsigaasi ku jiraa ay islaayeen.
waxa uu xusay in lagu buufiyay suntaasi oo waxyeelo badan soo gaadhsiisay arday tiro badan oo qaarkood la dhigay cusbitaalada ka dib markii ay ku neef qabatoobeen.
“Waxa maanta ardayda wax ka barata dugsiga sare ee Nuuradiin Girls loo adeegsay sun aan la garayn oo sababtay in loo dhigo dhakhtarada kala duwan ee Hargeysa qaar ka mida. Ayaan-darro, haddii hablihii ubaxa ahaa loo isticmaalo sunta mudahaaradada lagaga hortago, oo xataa aanay maamul iyo macalliintoona la soo hadlin waalidtooda, balse waxa mahad leh #WasiirToorno sida uu uga falceliyey dhibaatadaas gaadhay hablihii wax ka baranayey #Nuuradiin oo uu dhammaantood ku booqday cubitaalladii la dhigay” Ayuu Yidhi Maxamed Dalmar.
Lama garanayo cida ka dambaysay falkan, kaas oo uu hadda baadhitaankiisu socdo.
