Ra’iisul Wasaare laga helay cudurka Covid-19 labo maalmood kadib markii uu qaatay tallaalka
Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa laga helay feyraska Karoona labo maalmood uun kadib markii uu qaatay tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19 ee nooca lagu sameeyo dalka Shiinaha, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka ee dalkaas.
Waxaana la sheegay in haatan Ra’iisul Wasaaraha uu isku karantiilayo gurigiisa.
Khan oo 68 jir ah wuxuu maalmihii u dambeeyay ka qeybgalay kulamo ka dhacay dalkaas.
Cudurka Covid-19 ayaa haatan kusoo laba kacleeyay Pakistan iyadoo dalka laga diiwaangeliyay dhimashada 13,799 qof iyo kiisas gaarayo 623,335.