Daawo Khudbadii Uu Mahdi Guuleed Ka Hor jeediyey Maxkamada ICJ ee Arinta Badda Soomaaliya
Ra’iisal wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Abuukaato Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo maalintii koowaad Khudbad ka hor jeediyey Garsoorayaasha Maxkamada Cadaalada Dunida ICJ ayaa ka warbixiyey si qoto dheer xad gudubka Kenya ee Badda Soomaaliya.
Boqolaal Bog oo ay soo saartay Dawlada Soomaaliya ayey Hore ugu cadeysay in Kenya aanay marnaba cadeyn u heysan Badda Soomaaliya ay ka been sheeganeyso inay qeyb ka leedahay.
Mahdi Guuleed oo ah Mas’uulka ugu sareeya Guddiga Soomaaliya ka difaacaya Badda Ay Kenya soo hunguriyeysay ayaa shaaca ka dhigay in aanay mar walbo Dawlada iyo Shacbaka Soomaaliyeed ogolaan doonin in lagu xad gudbo Qaranimada iyo Cirdiga Soomaalida.
https://www.youtube.com/watch?v=cyZNZY9S4iY