Weriye Caan Ka Ah Ingiriiska Oo Shaqadiisa Ku Waayey Faalo Uu Ka Bixiyey Xaaska Amiir Harry

Piers Morgan oo kamid ah weriyayaasha ugu caansan Ingiriiska ayaa ka tegay shaqaduu u hayay barnaamijka Good Morning Britain ee telefishinka ITV, kadib muran ka dhashay faallo uu ka bixiyay xaaska amiir Harry, Meghan Markle.

Barnaamij uu tebinayay Isniintii ayuu Morgan ku sheegay in “aanuu hal kalmad ka rumaysan” waraysigii ay Meghan siisay Oprah Winfrey ee ay uga hadashay dhibaatada maskaxeed ee soo wajahday.
Barnaamijka Good Morning Britain ee baxay Isniintii ayaa Morgan waxa uu ku soo qaatay eedeyn ay jeedisay Meghan Markle oo ahayd in caawinaad ay ka weyday sarkaal sare oo ka tirsan qasriga Buckingham Palace, ayna ka fekertay inay is disho.

“Qofkee ayaad u tagtay? Maxay ku yiraahdeen? Waan ka xumahay, ma rumaysan karo kalmad ay sheegtay Meghan Markle. Ma rumaysanayo xitaa haddii ay ii akhriso wararka saadaasha hawada,” ayuu yidhi Morgan.

“Waxaan ceeb weyn u arkaa in ay weerar intaa dhan ku qaado qoyskeena Boqortooyada,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Kadib markii ay dad badan caro ka muujiyeen faallada Morgan, ayaa waxa uu sheegay in “weli uu walaac badan ka qabo waxa ay sheegtay Meghan”.

Weriyaha ayaa barnaamijkaas daadihinayay muddo 6 sano ah, Telefishinka ITV ayaa shaaciyay go’aanka uu shaqada uga tagayo Piers Morgan, kadib markii in ka badan 41,000 dacwadood laga gudbiyay faalladiisa ku aaddan Meghan.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker