Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi oo geeriyooday

Madaxwweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa ku geeriyooday magaalada Nairobi, sidaas waxaa VOA u sheegay xildhibaanno iyo ilo kale oo wareed.

Cali Mahdi Maxamed ayaa la sheegay inuu maalmahan ku xanuunsanaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Waxaa sida la sheegay ku dhacay cudurka COVID-19.

Madaxweyniii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo qoraal ku daabacay bartiisa twitterka ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiinta durba tacsida ka diray geerida Cali Mahdi Maxamed.

Cali Mahdi Maxamed ayaa ahaa madaxweynihii Afraad ee Soomaaliya. Ururkii United Somali Congress oo la wareegay talada Muqdishu iyo meelo kale oo waddanka aha ayaa u doortay xilkaasi madaxeynennimada 28-kii Janaayo 1991-kii.

Hase yeeshee maacaabista Cali Mahdi waxaa markiiba kasoo horjeestay mid ka mid ah hoggaamiyayaashii labada garab ee ururka USC Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid. Mar kale ayaa ururrada talada ka tuuray Maxamed Siyaad Barre ay ku kulmeen magaalada Jabuuti bishii July 1991, waxaanay ay mar kale u doorteen Cali Mahdi inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.

Inkastoo ay ururro ka jiray waddanka kasoo horjeedeen madaxweynennimadiisa haddana waxaa xilka ka beddelay Madaxweyne Cabdilqaasim Salaad Xasan oo lagu doortay Jabuuti sannadkii 2000.

Cali Mahdi waxa uu u dhashay degaanka Caddaw-Uul oo uy dhow degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellada Dhexe sannadkii 1935-tii, waxaanauu waxbarashadiisii hore ku qaatay magaalada Muqdisho.

Sannadkii 1969-kii waxa uu Cali Mahdi ku biiray baarlamaanka dawladii rayidka ka hor inta aan inqilaabka milatari ka dhicin dalka.

Sannadihii toddobaatameeyada Cali Mahdi waxa uu u leexday dhnaca ganacsiga oo uu ku najaxay. Waxaa uu sidoo kale usoo shaqeeyey wasaaraddii caafimaadka Soomaaliya gaar ahana mashruucii duumada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker