DULMIGA KA SOCDA DUGSIGA NUURADIIN, MAAHA MID UUN GAAR U AH INAMADA.
Laakiin Qaybta Habluhuba Waaa Ay Kala Siman Yihiin, Haddaanay Kaba Badsanin.
Aniga oo ah ardayad wax ku soo baratay dugsiyada Noradin qaybtiisa hablaha , muddadii afarta sanno ahayd ee aan ku sugnaa, waxaan ka marag ahaa, xog ogaal na aan u ahay in dulmi badan meeshaas ka jiray. Awood la’aantii ardayda ee ay ka falcelin kari waayeen dulmigii lagu hayey, iyo cunoqabatayn tii saarnayd ayaaa sababtay in uu ardaygu u badelo nacayb. Ardayda iskuulka dhigataa ama se ka baxdayba inta ugu badan waa ay neceb yihiin, iskuulkaas arday ka baxay oo ka mahad sheeganayaa way yartahay sida loo soo helo, waxaan odhan karaa maba jiro. Laba mid aan kala saaro, aqoonta iyo dulmiga, marka aan ku leeyahay qof wanaag ka sheegayaa ma jiro uma jeedo xagga aqoonta, waayo waxuu ka mid yahay iskuuladda dhif iyo naadir ka ah ee soo saara arday aqoon ahaan iyo tayo ahaanba dhisan, isla aniga ayaa ka markhaatiya oo si heersare ah oo bilaa hagrasho ah ayaa wax lay soo baray , Ilaahay ha ka jasaa’i siiyo macalimiintii wax isoo dhigtee. Balse xagga dulmiga ayaa ah wax uu qof walba oo iskuulkaas dhigta ama ka baxay uu marag u yahay, indhihiisana uu ku soo arkay. Ardaydu marka ay dhigtaan iskuulkaas wax awood ah habayaraate uma laha in ay ka warceliyaan amaba ay ka hadlaan dulmiga lagu hayo, iyaga oo ka baqanaya ciqaabta ka hor iman karta haday noqoto ganaax, eris amaba natiijo imtixaan oo loogu hanjabo. Dadka dulmiga ku haya ardaydu ma aha macalimiinta balse waa maamulka. Dulmigu gaar uma aha ardayda oo qudha ee macalimiinta laftoodu waa dulmanayaal, balse waa lagu kala duwan yahay.
Waxyaalaha ugu badan ee ardayda cadaadisku ka saaran yahay balse aanay ka hadli karin haddii aan yara dul istaago, waxa aan idinla wadaagi doonaa dhawr qodob.
1- Baska : basaska noradin waxa ay leeyihiin dhaqan xumo, iyagu ma laha ee maamulka ayaaa amray. Ardayda dhigata iskuulka basku wuxuu ka soo qaaadaa laamiga ugu dhaw, ardaygu ha u dhawaado ama ha ka fogaado’e waa inuu imaadaaa laamiga. Anigu wakhtigii aan dhiganayey 2 sanno oo ka mid ah baska waxaan ka raaci jiray meel masaafo ahaan aan bas kale sii raaci karo fogaansho awgeed . Waxaa jirtay mararka qaar in bas Noradin primary ahi i gaadhsiin jiray laamiga oo inbadan ii jirtay balse nasiib darro marka aan soo gaadho aan arki jiray kii oo dhaqaaqayba.
Haddii uu kaa waayo laamiga kuma sugayo ee wuu kaa dhaqaaaqayaa, mararka qaar waxaa jirta uu iskaga dhaqaaaqo ardayga oo soo socda balse ka fog. Dhibta waxaasba ka daran ayaa ah marka aad iskuulka tagto eed cabashadaada ah fogaanshaha, sugid la’aanta aad baska ka tabanayso aanad sheegan karin, waabad sheegane yaa kaa dhagaysanaya horta?.
2- Buugta: iskuul kasta ardayga dhigtaa buugaag waa uu iibsadaa, oo kama maarmi karo balse dugsiyaga Noradin buugtoodu waa ganacsi caadi ah . Arday kastaa waxa uu iibsanayaa 10 buug oo (text books ah) oo qiimahoodu yahay $30, waxa kale oo kuu dul saaran 10 buug oo iyaguna (work books ah) oo $20 dollar ah, isku dar $50 dollar oo khasab ah ayaad ku iibsanaysaa buugtaas . Buug kaliya maaha ee waxaa dheer assignmentskii oo macalin walba kiisii uu kaa rabo. Halka buugta haddii aan ku yara noqdo, marka buuga la iibsanayo, ma jiro buug loo iibsanayo tafaariiq ahaan, waxaa qasab ah inaad halmar wada bixiso $30 kaas oo aad qaadato 10 kaba iyagoo u yaqaana (sed buug ah) . Waxaa jirta ardayda qaar aan haysanin ama se aan halmar wada iibsan karin , haddii uu maanta qofku haysto $15 oo noqonaysa 5 buug ma iibsan karo ee waa inuu soo dhamaystiraa 5 tii kalena. Intaasba waxaa ka daran , in ardaygu iibsado sannad walba iyada oon la baryeynin, yacni waxaa jira qof haysta buugta sannadkan uu imika bilaabayo oo qof ka sareeyaa siiyey, haddana waxaa kugu qasaba inaad qaar cusub iibsato iyagoo mar walba odhanaya kuwii hore waaanu badelnay oo waa Edition cusub. Buugga cilmigii ku qornaa ama content kii uu ka koobnaa isma badelin ee jaldigii uunbaa la cusboonaysiyey. Labada qof ee walaalaha ah ee isku fasalka ah ama ba isku grade ka ah ee kala fasalka ahi ma wada isticmaali karaan sedka buugta ee (work book )ka ah, mid kastaaba sed gooni ahbuu iibsanyaaa balse kuwa text ka way wada isticmaali karaan.
3- Cuntada: cuntada iskuulka lagu dhex iibiyo maaha mid 100% nadiif ah , mar walba waxbaa laga dhex helaa. Muddadii aan ka tirsanaa ardeydaas ( saambuusaha, saanweyjta iyo beekarkaba) waxaa laga helay xayawaano sidda baran baro iyo qaar kale, qaarna indhahayga ayaan ku arkayey iyadoo laga saarayo, qaarna aniga ayaaba ka dhex helay. Iyadooy waxaasi jirto ayaa haddana ardayda looma ogola in ay banaanka nusaace ka doontaan amaba ay iskuulka dibadiisa u baxaan, halka macalimiintu aanay iskuulka ka nusaacaynin ee ay banaanka iyagu u doontaan.
4- Suuliga: suuliga ardeydu galayso waxaa ilaalisa oo hor fadhida gabadh askariyad ah, cid bilaa permission card ahna ma sii daynayso, waxaa dhici karta in macalinku aanu sidaninba card ama fasalkii hore ee uu ka soo baxay qof ka qaatay aanu weli usoo celinba, marka aad bilaa card ugu timaado, iska daaa inay kusii daysee waxay kuugu yeedhaysaa maamulka , iyaguna cadceeda ayay kugu ciqaabayaan maadaama ood bilaa permission card tahay. Waxaan garan waayey waxan suuliga laga ilaalinayo?
5- Hadhista: marka la gaadho sannadka afaraad waxaa ardayda wax loo dhigaa wakhtiyo dheeraad ah , iskuulada qaar waxaa jira ardaydu intay rawaxaay 4 ta galabnimo ay soo noqdaan, balse iskuulka Noradin ardaydu ma rawaxdo 6_ 6da habeenimo.
~Hadhistaas aan laba midba idiinka sheego :
• Waa ta koobaade , xiliga duhurka ee u dhaxaysa 12:30 ilaa 1:30 ardayda looma ogolayn in ay qado banaanka u doontaan, ardeydu iskumay wada jirin , oo waxaa jirtay qaar loo keeeno qadadooda balse kuwa kale , waxaa qado u ahayd buskud iyo biyo ay tukaanka iskuulka ka iibsan jireen. Marar waxaa dhici jirtay aanu baska iskuulka raaci jirnay, si aanu usoo qadayno, anaga oo oo lugayn karna ayaa waxaa nagu kalifi jirtay in aanu baska sii raacno ayaa ahayd in aanu albaabka ku dhaafno oo qudha marka aanu baxnana aanu ka degno, balse dhibtu waxay ahayd markaanu soo qadayno eee soo noqono in nala ciqaabi jiray oo cadceeda fadhiisan jirnay , xiisadaha eedaanka casar ka horeeyana naloo diidi jiray in aanu dhigano. Mararka qaar waxaa jirtay albaabka banaanka nalaga xidhan jiray oo inaanu soo galno naloo diidi jiray, haddii aanu rawixi lahayna shandadahayaga naloo diidi jiray in nala siiyo.
• Waata labaade halka baska, iskuulka waxaa la dhigan jiray labada galinba, anigu waxaan ahaa qaybta subaxa, marka aan subaxa raaco baska ee aan iskuulka tago waxaan xaq u leeyahay inaan duhurkana soo raaco , balse waa nala reebi jiray , sida aan wax u dhiganayno ayaa maalmaha qaar eedaanka maqrib ku dhawaan jirnay, isla marka ay gaadho xiligii ay ardayda casarkii dhigataa rawaxayso ayaa Hallka oo aanu wax ku dhigan jirnay 3 da albaaba naloo xidhi jiray si aanan basaskaas ardeyda ula raacin. Marka uu baska u dambeeyaa baxo ayaa anagana nala soo saari jiray, aniga ayaa isku qaba, inaan labada bas ee kala wareegaa is dabero, waaba saxe horta bas ma helayaa. Maqrib markaanu iskuulka ku tugano ee aanu baxno laamigana istaagno , waxaa na dhaafi jiray basas wada buuxa oo goolada iyo meel ka sii shisheysa laga soo buuxiyey, dadka u badan ee saarana ay ahaan jireen arday jaamacado ka soo rawaxday. Marka aanu cabaar sugno ee aanu bas banaanba weyno, iyagoo wada buuxana ay na dhaafaan ayay dantu nagu kalifi jirtay inaanu iskuulka ilaa suuqa usoo lugayno anagoo buug badan oo culus sidana, xaafadahayagana aanu tagno 9ka habeenimo sidaanu saaka uga soo baxnay.
6- Marka uu khalad soo kala dhex galo ardayga iyo macalinka ama ardayga iyo maamulka, mar walba waxaa dembiga la saarayaa ardayga iyadoo awood loo isticmaalayo, laga yaabaa in macalinka ama maamulku ardayga ka gardaran yihiin balse waxaas waa layska indhotirayaaa, khalad baa dhacay ardeygaa dembigaas qaadanaya. Cago juglaynta, iyo cunoqabataynta ardeyda lagu hayo ee ay ka baqayaan ciqaabta ayaa keentay in qof walba dulmi aanu u dulqaadan karin dusha saarto oo afkiisaa haysto .
7- Basaaasiin : Haddii ay ardaydu wada tashan lahayd oo ay iyagoo wada jir ah waxyaalo badan uga hadli lahaayeen , cidina is aamini mayso, fasal walba waxaa jira arday basaasiin ah oo aan la aqoonin, isla markaana abaal marin looga dhigay hadday wax soo sheegaaan in marks dheeri ah loogu darayo imtixaanka. Qof walba ka la fadhiya ee saaxiibkii ah ma aaminsana oo wuxuu isleeyahay bilay tahayba basaasad la soo diray.
Kuwan iyo waxyaalo kale oo badan ayaa ka mid ah dhibaatooyinka ardeyda lagu hayo ee aanay ka jawaabi karin.
F.g: Noradin oo dhan kama wada hadlayo ee qaybtii aan dhigan jiray ee Girls ka ayuu khuseeyaa qoraalkaykani.
Anigu waan dhameeyey iskuulka oo hadda dulmigoodii waan ka madax banaanahay, balse waxaan ogahay in siddan iyo in kasii daranbaa ay la kulmaan kuwii iga dambeeyey iyo kuwan dhigtaaba, iyagoon awood u lahayd inay sheegtaaan. Iminkase maxaa dheriga dabka ka keenay.
W/Q: Sukhra Faisal Cagaf