Laba Qoys Oo Isku Haystay Nin 63 Jir Ah Oo Lakala Saaray

Garoowe(OWN)- Maamulka  Puntland ayaa maanta si rasmiya u shaacisay Natiijada ka soo baxday baadhitaan ku saabsan Hidda-sidaha DNA (Deoxyribonucleic acid), oo lagu sameeyay nin da’diisu tahay 63-sano jir, kaas oo laba Qoys ku muransanaayeen.

Shaacinta Natiijada ka hor, ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Maamulka  Puntland Maxamed Xareed Faarax ayaa labada Qoys u bandhigay in ay aqbali doonaan Natiijada soo baxda, taas oo ay ballan-qaadeen.

Guddoomiyaha hay’adda Forensic science-ka ee Puntland Cabdirashiid Maxamed Shire oo gacanta ku hayay kiiska  baadhitaanka, ayaa shaaciyay labada Qoys midka uu la hiddo noqday ninka lagu muransanaa.

Labada Qoys midkood, oo uu wakiil ka-ahaa Cabdirisaaq Siciid Ismaaciil, ayuu la hidde nodqay ninkii lagu muransanaa, kadib markii la mariyay baadhitaanka cilmiyaysan Forensic-ga.

 

Qoyska labaad, oo iyagana uu wakiil ka-ahaa Cali Axmed Aaden, islamarkaana sheeganayay ninkan magaciisa la qariyay, ayay isku hidde-noqon waayeen, sida ka soo baxday Natiijada.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker