Ciidanka booliska dalkeena iyo hagardaamoyinka lagu hayo
NABI MAXAMED NNKH nolosha markuu ka hadlayay waxuu yidhi amnu wal iimaan ayay ku salaysantahay amniga ayuuna ugu horaysiiyay, hadaba ma ogtahay muhiimada booliskeenu inoo leeyahay, waxay inaga caawiyaan,
1, in xasilo oo sidagan oo bilaa buuq ah magaaloyinkeena u dhexjoogno yagoo ka qabto waxii arbush wada sida sarkhaamiinta iyo budhcadda.
2, waxay inaga caawiyaan in aan si nabada u shaqaysano, wax u barano, u seexano, u dalxiisno, waxay habeen iyo maalin ku fooganyihiin oo kala hagaajinayaan dadkeena, gawaadhideena, iyo meelaha ay ka socoto danaheena guud, sidaa ay tahay ma ogtahay in ay qaataan mushaharka ugu yar ee somaliland laga qaato, mase ogtahay muwaadin in aad tahay ka loo shaqeeyo ee hella midhaha iyo faa’iidada laga hello shaqada ay qabtaan waayo la’aantood noloshaadu wax horumara may samayseen, guri cad kumaad jirteen, gaadhi cad maad wadateen, subax walba muraayad iskumaad eegteen oo quruxdaad u maad bogteen, ma ogtahay in ciidamadeenu oo boolisku ka mid yahay dartaa habeen iyo maalin u dhibanyihiin mase ogtahay in ay abaal kugu leeyihiin, mase ogtahay in ay bashar yihiin sidaada oo kale ay khaldami karaan, mase ogtahay in aanay maanta inaga filayn in aan social media ka cayno, muwaadin illaahay uun baan khaldamin xataa qofku kaligii ayuu isku khaldamaa oo is qaniinaa, boolisku waa jeex inaga mid ah yaynaa u raacin qof aan ogayn qiimaha ay noloshiisa ku leeyihiin, garabna aan siino waa ciidankeena.
mubaarik ismaccill
mubaarikdh@gmail.com