Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn oo duqaymo Ugaystay Goobo ka mida Dal waynaha Sacuudiga’
Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in diyaarado Drones ah (nooca aan duuliyaha lahayn) oo sida walxa qarxa ay maanta weerar ku qaadeen goobo saliidda laga soo saaro oo ku yaalla magaalada Riyadh.
Wasiirka Tamarta Sacuudiga ayaa sheegay in weerarkan oo lagu qaaday laba goobood oo saliidda laga soo saaro uusan gaysan wax qarribaad ah oo hakad geliyey saliid soo saaristii.
KhalidAl-Falih ayaa war ay baahisay warbaahinta dowladda ku sheegay in weeraradan ay halis ku yihiin qeybinta saliida caalamka, islamarkaana loo baahan yahay in laga hortago “aragagixisada ka dambeysay ficilladan” oo ay ku jiraan kooxah Xuutiyiinta dalka Yemen ee Iran ay taageerto.
Taleefishinta Xuutiyiinta ee Masirah ayaa sarkaal milatari kasoo xigtay in Xuutiyiinya ay weerar ku qaadeen goobo muhiim ah oo ku yaalla Sacuudiga.
Isbahaysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo iyo Xuutiyiinta ayaa muddo afar sano ah ku dagaalamaya dalka Yemen.
Weerarka maanta ayaa yimid maalin kadib markii Sacuudi Carabiya ay sheegtay in laba ka mid ah maraakiibteeda saliidda qaada ay “waxyeello xooggan” kasoo gaartay weerar arbushaad ah oo axaddii loogu gaystay xeebta Imaaraadka Carabta.