Xukuumadda Somaliland Oo Magacawday Xoghayaha Dawladda Hoose Ee Magaalada Hargeysa.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa Siciid Nuur Jaamac u magaacabay xoghayaha cusub ee dawladda hoose ee magaalada Hargeysa.

Magacaabista xoghayaha cusub ayaa timid ka dib markii uu xoghayaha wakhtigan ee dawladda Hoose Axmed Yoonis Juxa uu shaaciyay in uu u tartami doono doorashada golaha deegaanka ee magaalada Hargeysa.

 

Siciid Nuur ayaa ka tirsanaa saraakiisha sarsare ee wakaaladda horumarinta jidadka Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker