Waa maxay Xeer-ilaaliye? ma Garsoosaa? ma Looyarbaa misse waa Boolis?

Waa kuma xeer-ilaaliye? maxuu sameeyaa?maxay tahay shaqadiisa gaarka u ahi? muxuu kaga duwan yahay Garsoorayaasha,Looyarada iyo Pooliska iyo dhamaan bahda Garsoorka iwm? Ma jiraa farqi u dhexeeya Garsooraha iyo Xeer-ilaaliyaha?
Inta aanan sharax guud u galin aan waxyar ka iftiimino shaqada hoose ee gaarka u ah Xeer-ilaaliyaha. Marka aan ka hadlayno Maxkamadeynta Danbiyada Ciqaabta, waxaan isla markiiba ka fikirnaa xeer-ilaaliyaha, baadhitaanada uu sameeyo iyo doorka uu ku leeyahay dacwadaasi.
Xeer-ilaaliyahu waa dacwad-oogaha iyo dhiirrigeliyaha eedeynta dacwadda Ciqaabta ah , wuxuu haggaa baadhitaannada hordhaca u ah Danbiga , waxaanu yimaadaa dhageysiga Dacwada si uu u taageero qormada eedeynta Danbiilaha, Laakiin xeer-ilaaliyaha ma noqdo Garsoore marka ay halkaasi taagan tahay.
Xaqiiqdii sida garsoorahu oo fadhiya qof walba hortiisa ,Dacwada goobka ka socotana uu xarago-hagaayo, si uu u calaamadeeyo bilowga iyo dhammaadka dhageysiga Dacwada,Xeer-ilaaliyahu isagu isla xaaladaasi waxa uu ku koobnaanayaa u doode cid markaasi dacwada daraf dhibane ah ka ah.
Si kastaba ha noqotee, faraqa u dhexeeya Garsooraha iyo Xeer- ilaaliye/dacwad-oogaha way kala duwan yihiin.
Hadaba aan si toosa u guda galo faraqa wayn ee u dhaxeeya Xeer-ilaaliye iyo Garsoore.
Waa kuma xeer-ilaaliyuhu? Muxuu qabtaa Xeer-ilaaliyahu?
Xeer-ilaaliyuhu, sidiisaba wuxuu asal ahaan ka hadlaa doorkiisa xeer- ilaalintuna ay faraysaa ka qayb qaadashada dacwadaha ciqaabta ah, Xeer-ilaaliyuhu waa hayaha ficilka Danbiga ciqaabta ah, taas oo uu ku khasban yahay in uu dardar galiyo markasta ,waxaana looga baahan yahay inuu bilaabo baadhitaanka markasta oo fal dambiyeed uu jiro.
Tusaale ahaan, hadii xatooyo loo soo gudbiyo baadhaha hanti-dhawarka qaranka ,waxaa waajib ku ah Xeer-ilaaliyaha in uu dacwadaasi bilaabo xataa hadii ay tahay mid aan caqli gal ahayn.
Xeer-ilaaliyahu waxa uu xaq u leeyahay in uu waydiisto Garsooraha  in uu furo ama uu bilaabo dhagaysi dacwadeed Maxkamada gudaheeda oo ku saabsan durus eedaysane (codsi eedeyn ah).
Xeer-ilaaliyaha waxyaabaha sharciyan uu awooda u leeyahay waxaa ka mid ah , inuu diido maqnaanshaha caddeyn aan wali ku filayn kiiska inta ay soo dhamaanayso iyo waliba in la dheereeyo habraaca habsami u socodka dacwada Maxkamada ka furan,iyada oo kiiska la kaydinaayo inta la xallinayo Dacwadan,waxaanu xaq u yeelanayaa in eedaysanaha xabsiga lagu sii hayn karo inta uu codsado.
Xeer-ilaaliyahu wuxuu kaloo mas’uul ka yahay abaabulka iyo isku dubaridka baadhitaanada iyadoo la adeegsanayo booliska soo qabashada iyo laanta daba-galka danbiyada.
Sidoo kale Xeer-ilaaliyahu waxa uu yahay dacwad-oogaha guud ee awooda buuxda u leh amarka soo qabashada kuwa dambiyada gala,waxaanu warqada soo qabashada kasoo saari karaa xafiiskiisa isaga oo aan soo marin Garsoore Maxkamdeed.
Xeer-ilaaliyahu waxyaabaha uu awooda u leeyahay waxa kaloo ka mid ah,u gudbinta xadhig eedaysani oo u baahan wakhti in Xabsi Guri lagu hayn karo.
Xeer-ilaaliyuhu khasab maaha in markasta kiisaska Ciqaabtaa ka shaqeeyo,waxa uu soo dhex galikaraa hadii loo baahdo shaqooyinka dacwadaha madaniga ah: sida uu qabo sharcigu,gaar ahaan arimaha  guurka (oo ay ku jiraan shakhsiyaadka kala taga labada isqabta heerarka qaar), waxa kaloo uu soo dhex gali karaa kiisaska la xidhiidha xaalada iyo awooda dadka iyo kuwa ku saabsan ciqaabta, tusaale ahaan waxa uu qayb ama daraf ka noqon karaa  dhammaan kiisaska kale ee lagu bixiyo sharci gaar ah kuwaasi oo khuseeya diiwaangelinta shirkadaha sheegashooyinka beenta ah  iwm.
Hadaba waxaa laga yaaba in dadka qaar is waydiiyaan Muxuu xeer-ilaaliyuhu u noqon waayey xaakim ama  Garsoore dhex u ah laba dhinac?
Waxaa dhici karta in qoraalkayga aad mararka qaar khalad ka fahamo,waa hadaan ku idhaa Xeer-ilaalintu waa Garsoore hadana Garsoore maahan. Faraqa u dhexeeya labada Xeer-ilaaliye iyo Garsoore  waa mid aad u fudud:
Waa maxay Garsoore?
Garsoorahu waa midka kaliya ee iska leh  awooda go’aan ka gaadhida khilaafaadka Dacwada uu Xeer-ilaaliyahu haduu doono uu darafka ka yahay.
Garsooraha oo kaliya ayaa soo saari kara xukun (ama cabir sharci) oo uu go’aan kaga gaadhayo kiiska gaarka ah ee Mudiciga iyo Mudaacilayga ee Dacwadaha Ciqaabta ah. Sidaas darteed Garsooraha ayaa iska leh awooda buuxda ee edaysanaha hadii la xukumaayo iyo hadii lasiideynaayo,balse Xeer-ilaaliyahu waa Dacwad oogaha guud,reer Xamarku waxay yidhaahdaan “Qareen Camal”.
Shaqada Xeer-ilaaliyahu runtii waa wax lala yaabo sida kali ahaan uu  mararka qaar u dareemi karo gudashada waajibaadkiisa shaqo,waana sababta keenta in bahda garsoorku ay inta badan la colobaan Xeer-Ilaaliyaha ama Dacwad oogaha,gaar ahaan marka uu ka socdo Dacwad ay Dawladu daraf ka tahay!
Mararka qaar Xeer-ilaaliyaha waxaa lagu tilmaami karaa u ololeeyaha cadaalada gaar ahaan nidaamka ciqaabta, waxaanu inta badan la kulmaa dareemo kalinimo iyo cabsi kaga timaada dhinacyo badan, inta uu ku guda jiro dacwadaha Ciqaabta ah.
 Guntii iyo gaba gabadii Xeer-ilaaliyahu waa dacwad oogaha dadka Tamarta dhaqaale aan haysan qaybta garsoorka,sidoo kale waa dacwad ku oogaha dadka gala danbiyada ka dhanka ah qaranka,lakiin Garsoore maaha,mana laha awood uu xukun ku ridi karo qof markaasi danbiile uu arkay ama uu ula muuqday.
W.Q- Khadar Ibrahim Aar.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker