Tirada Dadka U Geeriyooday Xanuunka Coronavirus oo la Shaaciyay
Tirada Dadka Laga Helay Cudurka Coronvirus Oo Gaadhay Boqol Kun Oo Qof
Hobkins University.
Cudurkan ayaa waxaa gudaha dalka Shiinaha oo kaliya ugu geeriyootay dad ka badan saddex kun halka wadamada kale ee caalamka ay u dhinteen dad
gaadhaya 267 ruux oo badankood ku dhintey dalka Iran iyo Talyaaniga.
Ugu yaraan 1,200 oo Ruux ayaa laga helay cudurkan gudaha dalka Iran 24kii
saacadood ee ugu dambeysay halka la xaqiijiyay in dalka Iran ay ugu dhinteen
cudurkan 124 qof
Dalka Faransiiska ayaa laba boqol oo qof laga helay
cudurkan halka Hindiya iyo Koofur Kuuriya ay kordheen tirada cudurkan uu
saameeyay.
Dadka cudurkan ugu dhintey dalka Maraykanka ayaa gaadhay 12 iyadoo qofkii ugu dambeeyay uu ku dhintey King County Washington State Khamiistii.
New York State ayaa tirada cudurkan laga helay waxa ay gaadhay 33 ruux
sida uu sheegay Guddoomiyaha New York Andrew Cuomo.
Waddamada uu cudurkan gaadhay kuwii ugu dambeeyay ayaa waxaa ka mid
ah dalalka Cameroon iyo Benin oo qaarada Afrika halka dalalka Serbia iyo
Peru laga sheegay cudurkan.
Tirada dadka qaba cudurka Coronavirus ee dalka Hindiya ayaa gaadhay 31
qof sida laga soo xigtey wasaarada caafimaadka