Biyo La’aan ka jirta degmada Xarshin Oo ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya
Shacabka ku dhaqan degmada Xarshin iyo deegaanada hoostaga gobolka Faafan ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa ka cabanaya biyo la’aan baahsan oo dadka deegaanka soo foodsaartay waloow sida ay sheegeen duunyadu ay wali daaq haysato oo abaar ba’ani aanay deegaanadaas ka jirin.
Biyo la’aanta ayaa timid kaddib markii riig halkaas ku yaallay uu xumaaday, ceelashiina ay biyo yareeyeen.
Nuura Cali Faruur oo ka mid ah shacabka ku nool degmada Xarshin ayaa sheegtay heerka ay gaadhsiisan tahay biyo la’aanta ka jirta halkaasi ay marayso meel xun , biyahana looga soo dhaamiyo deegaano fogfog.
Qaar kamid ah dadka shacabka ah ee nool deegaanka ayaa walaac ka muujiyay xaalada soo wajahday, iyagoo ku baaqay in si deg deg ah xaaladaas wax looga qabto maadaama xaalad bini aadanimo ay ka jirto deegaanka.