BARRI YAYNAAN QOOMA-MAYN, CIDDA AYNU MAANTA CODKEENNA SIINAYNO.

Inkasta oo nidaamka dimuqraadiga ee aynu qaadanay uu yahay mid aynu ka doorbidnay nidaamyo badan oo  dunida hadda ka jira, hadana waxa muuqata in caqabadaha iyo mushkiladaha aynu ka dhaxalnay ay  yihiin kuwo lugta jiidaya horumar bulsho, mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo aynu gaadhno.

 Waxyaalaha ugu weyn ee dhabaha ka leexiyay hadafkii iyo ujeedadii aynu u aas-aasnay nidaamka doorashooyinka madaxa banaan, wax kow ka ah, afkaarta qabyaaladda iyo siyaasada isxambaarsan ee gayigeenna sida dabaylaha u ruxaysa. Arrintaasi oo udub dhexaad u ah, mushkiladaha iyo kacaa-kufka siyaasadeed,  bulsho iyo dhaqaale ee innagu gadaaman.

Hadaba waxa uu maanta qoraalkaygan koobani daarran yahay, sidii aynu  u soo xulan la hayn xildhibaanno iyo masuuliyiin gudan kara shaqada ay u igman yihiin, islamarkaana bulshadooda  ugu adeegi kara  hufnaan iyo daacadnimo.

Sida aynu ognahay, ummadaha ka faa’iiday nidaamka doorashooyinka madaxa banaani waxay ku bineeyaan,  masaaliixda  iyo danaha ay leeyihiin oo badhax la’. Qofka ay shaqo u diranayaanna waxay ku qiimeeyaan aqoontiisa, kartidiisa, hufnaantiisa, khibradiisa iyo aragtidiisa.

Innagu se, waynu ka duwan nahay oo waxaynu ku qiimeynaa, qolada iyo reerka uu ka soo jeedo. Taasi oo ah, eesha iyo xudunta ugu weyn  ee uu ka  xagal-daacayo habsami-u socodka hanaanka dimuqraadiyadeed  ee aynu hirgalinaynaa.

 Si kastaba ha ahaatee, waxay  xaqiiqdu tahay  in ay maanta inna horyaalaan fursado iyo jaanis dahabi ah oo  u baahan in aynu  si waafiya uga faa’iidaysano, ugana baaraandagno  cidda aynu codkeena siinayno, si aynaan barri uga qoomamoonin najiidada iyo midhaha ka soo go’a, ficilka aynu maanta samaynayno.

Sidoo kale,  qastiga iyo ujeedada ugu weyn ee aynu  doorasho madax banaan ka leenahay waa, in ay shacabku gacantooda ku soo doortaan cid hanan karta masuuliyadda iyo ammaanada loo dhiibayo.

Waa masuuliyad iyo xil inna saaran,  in aynu si dheer iyo si dhowba uga fikirno, cidda aynu maanta codkeena siinayno, inaga oo waliba, si ildheeriyi ku jirto u fiirinayna mustaqbalka iyo aayahà dalkeena.

Waa nasiibdarro iyo talo-xumaan innagu habsatay, in aynu maalin walba  beelaysi iyo  reernimo ku keeno, kuwii ugu liitay, ugu aqoonta liitay, ugu aragtida liitay, uguna  musuq-maasuqsanaa. Sidoo kalena aynu  doorasho kasta ka dhaxalno uurkutaalo iyo niyad-jab.

Ugu denbeyn, waxaan ku talin lahaa  in aynu qaadno seddexdan talaabo ee soo socda;-

1)talaabada koobaad; waa in aynu bulsho ahaan garwaaqsanaa, in aanay kada-loob iyo fadhi waxba innoogu hagaagaynin, islamarkaana ay daruuri tahay,  in la abaabulo bulshada qaybaheeda kala duwan, laguna dhiiri-galiyo in aanay beeluhu soo xulanin, cid aan ehel iyo aqrab u ahayn, xilka iyo masuuliyadda loo dhiibayo.

2) talaabada labaad; waa in xisbiyada lagu cadaadiyo in aanay ku darin liisaskooda xubnaha uga   qaybgalaya doorashada soo socota, shaqsiyaad  àan la hayn astaamihii iyo shuruudihii looga baahnaa qof u adeegi kara bulshadiisa.

3) talaabada seddexaad; waa in aynu dhexda u xidhanaa sidii aynu gabi ahaanba meesha uga saari  la hayn qaabkan aynu hadda wax ku doorano ee ah   beelaysiga iyo qabyaaladda, si loogu guuro qaab ku dhisan dagmo iyo gobollo.

Cumar Axmed Cali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker