Madaxweyne Farmaajo oo shir isugu yeeray Dowlad Goboleedyada

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa iclaamiyey shir ay isugu yimaadaan madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada oo dhaca 15-ka Febraayo

Qoraal ay madaxtooyada Soomaaliya ku faafisay barta Twitter-ka ayuu ku sheegay madaxweynuhu inuu shirkan ka dhici doono magaalada Garoowe

Waxay arrintani ka dambaysay markii uu toddobaadkii hore ay burbureen wada-hadalladii Dhuusamareb ee u dhaxeeyey madaxda federaalka iyo kuwa heer gobol.

Wixii markaas ka dambeeyey waxaa 8-dii bishan dhammaaday muddo xileedka madaxweyne Farmaajo, ayada oo aan wax heshiis ah laga gaarin doorasho dalka ka dhaceysa.

Shirkan cusub ayey madaxdu mar kale isku dayi doonaan inay heshiis kaga gaaraan is-mari waaga ka taagan doorashada, ayada oo cadaadis xooggan uu ka imanayo musharaxiinta mucaaradka iyo xubnaha beesha caalamka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker