Sacuudiga Oo ku Dhawaaqay Inuu Bilaabayo Horyaal Kubadda Cagta Ee Gabdhaha.
Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa Qorshaynaysa in bilowdo Tartan kubadda Cagta ah oo gaar u ah gabdhaha, waxaana Horyaalka gabdhaha lagu ciyaari doonaa Garoomo ku yaalla caasimadda Riyaadh iyo laba magaalo oo kale.
Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa sheegay in tallaabadan cusub looga gol leeyahay sidii sare loogu qaadi lahaa ka qeybgalka Haweenka ee isboortiga.
“Daah-furka horyaalkan ayaa sare u qaadaya ka qeybgalka dumarka ee ciyaaraha kala duwan, waxaana uu kordhin doonaa in si wanaagsan loo aqoonsado guulaha ay haweenka ka gaaraan ciyaaraha,” ayuu sheegay xiriirka ciyaaraha ee Sacuudiga.
Haweenka Sacuudiga ayaa bishii January 2018 loo oggolaaday inay geli karaan oo ay u daawasho tegi karaan garoomada kubadda cagta, waxaana isla sanadkaasi ay Boqortooyada meesha ka saartay sharci dumarka u diiddayay inay gawaarida kaxeeyaan.
Tallaabadan isbedallada ee uu ku sameynayo Dhaxal-Suge Maxamed bin Salmaan, ayaa yimid waqti Sacuudi Carabiya uu sanado badan ahaa mid bulshadiisu waxyaabo badan mamnuuc ka ahaayeen, in kastoo ay dowladda tallaabooyinkaasi qaaday, hadana waxa jira haween dhowr ah oo u ololeeya xquuqda dumarka oo wali ku xiran dalkaasi Sacuudiga.