Dawlada Libya oo Dalkeeda ka Mastaafurisay Muhaajiriin Somaliyi ku Jirto
Dowladda Libya ayaa la sheegay inay dalkeeda kasoo musaafurisey 236 Ruux oo ay Soomalai ku jiraan,kuwaas oo dowladdu sheegtay inay ku joogeen dalkaas si Sharci darro ah.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Dowladda Libya u qaabilsan la dagaalanka dadka soo galootiga ah ayaa waxaa lagu sheegay in la soo musaafuriyey ay u kala dhasheen dalalka, Itoobiya, Soomaaliya, Suudaan,Chat Nigeria, Ghana, iyo Maali.
In kastoo dadkaasi ay dowladda Lbya sheegtay inay dalkeeda kasoo musaafurineyso ayaa hadana waxaanana la ogeyn sida ay suurtagal ku noqon karto maadaama isku socodka Caalamiga ah la hakiyey sababo la xiriira Cudurka Coronavirus.
Dadka la musaafuriyey ayaa waxaa ku jira lix dumar ah,waxaana Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Xinhua ay shaacisey in Cudurka Coronavirus ay dad badan ugu dhinteen kuwo kalena ay la jiifaan.
Hay’adda Qaxootiga Aduunka ee IOM ayaa dhowr jeer hore waxaa ay qaxooti farabadan kasoo qaadey dalkaasi libya oo dagaalo xoogan ay ka dhaceen halka kuwo kale lagu haayo xeryaha qaxootiga dalkaas.