Puntland Oo Sheegtay inaanay Farmaajo U Aqoonsanayn Madaxweyne

Maamulka Puntland ayaa shaacisay, in laga bilaabo Isniinta berri ah aanay u aqoonsanayn madaxweyne Farmaajo, maadaama ay dhammaatay mudadii xil-hayntiisa ee sharciga ahayd.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland ee Soomaaliya , Cabdullaahi Cali Xirsi Tima-cadde, ayaa warbaahinta u sheegay in Maamulka Puntland ay madaxweyne Farmaajo u aqoonsan doonto mas’uul hore, islamarkaana ugu yeeri doonto “madaxweynihii hore ee dalka“.

 

Wasiir Tima-cadde ayaa madaxweynaha dalka ku eedeeyay fashilka ku yimid Shirkii Dhuusamareeb, kaas oo natiijo la’aan ku dhammaaday, kadib markii dhinacyadu is-faham gaadhi waayeen.

Sidoo kale, wuxu madaxda dowlad goboleedyada dalka raalli-gelin ka siiyay hadalkii madaxweyne Farmaajo ku sheegay in Siciid Deni oo keliya uu qortay Heshiiskii Arrimaha doorashada ee 17-kii September.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker