Maxaa Ka Jira In Daka Koonfur Afrika Ay Soo Saareyso tallaalka cudurka Covid19 ?

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa furey warshad cusub, oo soo sareysa wax soo saar tayo leh, taasoo noqon doonta tii ugu horeysay ee Afrika ku taalla, ee soo saarta tallaalka cudurka safmarka Covid19 oo buuxa.

Xarunta warshadda Nant-SA ee ku taalla magaalada Cape Town ee dalkani, ayaa waxaa aasaasey maal qabeenka, isla markaana cilmiga biology-ga ku takhasusey ee u dhashey dalka Koonfur Afrika, fadhigiisuna yahay dalka Mareykanka, Dr Patrick soon-Shiong.

Warshadda ayaa lagu wadaa iney soo saarto tallaalkeeda ugu horreeya sanad gudihiis, iyadoo hadafku yahay marka la gaadho 2025-ka, in sanadkiiba lasoo saaro hal bilyan oo xabo oo tallaal ah.

Koonfur Afrika, ayaa leh laba xarumood oo kale, kuwaasoo soo saara tallaalada qeybaha dhexe ah.

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker