Siyaasi Maxamuud Xaashi iyo xulufadiisa Oo Maal-gelinaya Musharaxiin u Tartamaya Barlamaanka Cusub

Siyaasiyiintii u hormuudka u ahaa Maxamuud Xaashi ee ka falaagoobay Xisbiga Kulmiye, ayaa quud-daraynayaa inay Baarlamaanka cusub ee Somaliland ku yeeshaan xubno.

Siyaasi Maxamuud Xaashi iyo xulufadiisa, ayaa maal-gelinaya musharaxiin badan, kuwasoo sida la sheegay uu kamid yahay Musharax Shucayb Maxamed Muuse, oo hore ay Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo uga wada-tirsanaayeen.
Siyaasi Maxamuud Xaashi iyo xulufadiisa, ayaa ku hawlan inay ka dhex-dagaalaman Baarlamaanka cusub, Isla markaana maalgelinaya qorshayaal lidku ah wada-shaqaynta Xukuumada Muuse Biixi Cabdi iyo Baarlamaanka cusub.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon oo u dhuun-daloola Dhaqdhaqaqa Kooxdas, ayaa tibaxay shaqsiyaadka Xulufada Maxamuud Xaashi u xusheen Barlamanka Cusub oo kamid yahay Wasiir hore Shucayb Maxamed Muuse oo hadana ah Musharax Xildhibaan Baarlamaan.

Geesta kale, Xulafadii ka cadhootay Shirweynihii u dambeeyey ee Xisbiga Kulmiye, oo u hormuud u yahay Siyaasi Maxamuud Xaashi, ayaa dabada ka riixaya sheekooyinka   ay kamid yihiin inay  Musharax Shucayb Maxamed Muuse ay u wataan inuu kamid noqdo shirgudoonka golaha Wakiilada ee cusub.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker