Madaxweyne farmaajo maxaa la gudboon ” habeeno isu eg maalmo isu eg”
waxaa buuxsamay 30 sano oo jahawreer iyo miyir la’aana,welina wax rajo ah oo muuqda lama hayo,sababtuna waa wadada khaldan ee lagu dul socdo iyo gacmaha shisheeya ee aan marnaba ogolayn in ummaddu aayaheeda ka tashato.
” waa su’aal da’weyne dalka yaa iska leh” Allaah ayaa iska leh ,wuxuuna khaliif uga dhigay ummadda marba ku dul nool,waxaana xilku saaran yahay Dadka la dhaho “Ahlul xal wal Caqdi” waa dad la yaqaan oo shuruudo leh,kuwaas waxaa ku waajiba inay ammaanada ilaaliyaan, bulshadana samata bixiyaan.
Soomaalidu maanta waa isuma dhiibato labada walaalaha ahi isma aaminayaan,waxay u baahan yihiin cid Dammiin uga ah naftooda,maalkooda iyo mustaqbalkooda,waxaa noqon kara dad labeen ah oo ammaano leh ,dawlad kasta iyo madaxweyne kasta oo fiican oo yimaada waxba u socon maayaan haddan la helin cid kale o dadku aamminsan yihiin oo ay dammiin ka noqota.
Madaxweyne farmaajo oo hadda xilkii kasii dhamaanayo,dadaal badana la yimi,khaladaadna aan ka madhnayn waxaa la’gudboon inuu wax cusub keeno,wadadaa khaldana ka leexdo,dib haloo doorto ama yaan la dooran,hadduu khad cusub jeexo waa dhaxal.
Aan kusoo dhawaano Farrinta aan gudbinayno,Dawladaha Caalamka badankoodu waxay leeyihiin,Mus-dambeed,dabar u ah xukuumada oo ka ilaaliya inay dur-duriso ama wax aan loo fadhiyin ku kacdo,magacyadu hakala duwanaadaan,Guurti,lords,Majlisu-shuuraa,Stake-holders,IWM . dadkani maaha Baarlamaanada , waa dad kale lasoo xulay oo aan isa soo sharrixin, waxaa lagu doortaa Diin,Khibrad,Cilmi iyo ugu dambayn da’dooda oo weyn. waayadii hore waxaa ka mid ahaan jiray ganacsatda ama hantiilayaasha laakiin waxaa laga helay cudurka danaysiga,sidaas ayaa looga saaray.
Farmaajo iyo xukuumadisa waxaa la gudboon inuu soo bandhigo sidii loo samayn lahaa gole ummadu aamini karto,mas-muucal qawl ah,magac kast haloo bixiyo,waa inay ku jiraan, ama lagala tashado madaxda dhaqanka,culimada iyo dadka khibradda leh,tani waa xalka qudha ee hadda furan,waana xalka qudha ee maamul dawladnimo kusii socon karo.
wallaahu weliyu towfiiq Adan Nokia