” Xafaddaha Hargeysa ee Biyaha hela waa inay iska beddelaan Saacadihii hore ..”
Wakaaladda Biyaha ee Caasimadda Hargeysa, ayaa ku war gelisay Xafaddaha Caasimadda ee Biyaha hela in ay iska beddelaan Saacadihii hore ee Guryaha ugu jiray muddo saddex bilood guddahood ah.
Saacaddan cusub, ayey sheegtay in ay iyadu keentay, kuna iibinayso qiime lacageed oo dhan 50 dollar.