Dhimashadii shilinka Soomaaliga: sababihii keenay iyo caqabadaha ka dhalan kara. W/Q: Muuse Cabdi
Waxa aan akhriyay sidoo kalena aan dhagaystay war-bixinihii kasoo baxay qiimo dhaca shilinka Soomaaliga iyo culayska uu saaray bulshada Soomaaliyeed gaar ahaanna Puntland, runtii waxa aynu odhan karaynay isbadalada degdega ku dhacayay ee Shilinka Soomaaliga iyo saamaynihii uu watayba waxa ay ahaayeen masiibo gacan-ku-rimis ah, xalkeeduna waxa uu ahaa mid uyaalla maamulada dhaqaale ee heer dowlad goboleed iyo mid fedaraalba ah, inkasta oo aad moodo in ay si uga madax-bannaan tahay Puntland maamulidda nidaamyada maaliyadeed ee Soomaaliya.
Soomaaliya waa waddan la qeexid noqday; Dagaalo-sokeeye, Abaaro soo noqnoqda, macluul baahsan, Daadad iyo duufaanno xiliyada qaar ah, barakicin bulsho oo ay dagaalada qabaliga ahi sababaan, burbur dhaqaale, qiimo-dhac lacageed, sicir-barar, shaqo la’aan maraysa heerkeedii usareeyay, sad-bursi dhinaca siyaasadda ah iyo kuwayaw lamid ah.
Haddii aan si kooban uga hadlo qiimo dhicii ugu danbeeyey ee ku dhaca Shilinka Soomaaliga ee maamulka Puntland, waxa bishii Sebtember/September 2020 ayaa waxa uu ka kacay iyada oo sarifka 1 dollar uu ahaa 34,000 oo shilinka Soomaaliga ah waxaana uu tagay in 1 dollar lagu sarifo 42,000 oo shilinka Soomaaliga ah, waxaana boqolley ahaan la odhan karaa wuxuu qiimaha shilinku hoos udhacay 24%, qiimo-dhaca shilinku wuu sii socday ilaa uu gaadhay heerkiisii usaraysay bishii Noofember oo uu noqday 46,000 oo shilin.
Bal qiyaas marka $1 uu ku sarifmayo 46,000 SoSH, doolarku waxa uu ka qiimo sarreeyaa 46,000 oo jeer shilinka Soomaalida.
Dhib kasta oo dhacda ha ahaato mid la xidhiidha hab maaliyadeed sida tan oo kale amaba ha ahaato mid binu-aadantinimo waligeedba waxa uu culaysku fuuli jiray shacabka hayntooda dhaqaale ay hoosayso iyo reer miyiga.
Markasta oo qiimo-dhac uu ku yimaaddo lacagta waddan leeyahay, saamaynta ugu horaysa ee ka dhalataa waa Sicir-barar oo qiimaha meceeshadda ayaa kor ukaca, awoodda wax iibsi ee lacagtuna hoos ayuu udhacaa
Waddamada dhaqaale ahaan muruqa wayn leh, ayaa wakhtiyada qaarkood si kas ah hoos ugu dhiga qiimaha lacagtooda si ay udhiirigaliyaan dhoofinta badeecadahooda una soo jiitaan maal-gashadayaal calami ah, balse kiiskan Soomaalidu waa uu ka duwan yahay oo iyaga qiimo dhaca waxa ugu wacan awooddii maamulka maaliyadeed oo aan Meeshaba oolin, waxaana loo aaneeyaa in Puntland daabacato lacag cusub oo Shilinka ah tanina ay sababtay inay lacagtii Shilinku ka badatay xaddigii uu suuqu qaadi karayey marka loo eego lacagta doolarka ee magaalooyinka yaalla. Waxa iyaguna jira ganacsato lacagaha daabacda, kuwaasina awood dawladeed oo hubisa ayaa la rabaa. Waxa iyana dhibaatooyinka sababay in xadiga doolarka ee soo galayay deegaanada Puntland uu ku yimid hoos udhac uu sababay cudurkan saf-marka ah ee dunida ka dhacay, gargaarkii iyo caawimooyinkii ay dunidu bixin jirtay oo yaraaday, lacagihii xawaaladaha oo yaraaday, dhoofkii xoolaha oo isna uu ku yimid isdhin maadaama uu xajkii sannadkan xidhnaa. Dawladda Puntland oo iyaduna joojisay wakhtiyadaas inay cashuurta ku qaaddo Shilin balse gadaal boqolay kooban ka dhigtay in Shilin lagu qaado cashuurta. Sidan haddii xaalku sii ahaado waxa la filayaa in loo guuro lacagta Doolarka oo shilinkana aqoonsiga lagala noqdo waaba haddii xal loo waayo arintane. Balse Maamulku guddi ayay usaareen u badnaa waayeel waxaana ay soo jeediyeen dhawr arin oo xal umuuqday waynuse eegi sida ay ushaqeeyaan.
Qofkii raba inuu xogaha la xidhiidha arinta inuu si wayn usii baadho waxa uu ka heli karaa cilmi-baadhis ay samaysay Machadka SIDRA.
W/Q: Muuse Cabdi
Email: muuze438@gmail.com