Caalimkii Aqoon lihi dalkii waa anfacayaa. Xaaji Aadan afqalooc AHN. W/Q: cabdirisaaq Darwiish

Sida aynu wada ognahay Dunida aynu ku noolnahay waxa sidaa ay tahay u qaabeeyey Eebe weyne farshaxankaana isagaa Alkumay.

Markii uu dunida alkumay ee dhamaystirey kadib   wuxu u qorsheeyey inu aadmigu jinka iyo insigu uu  ku noolaado oo weliba Isagu uu khaliif ka noqdo. واد قال ربك للملاءكه  اني جاعل في الارض خليفه
sidaa kagama tegine wuxu u soo dejiyey sharcigii lagu maamuli lahaa oo ah Diinta samaawiga ah taas oo ah waxa keliya ee eebe weyne dunida ka rabo in lagu dhaqo wixii kasoo hadhaana ay yihiin kuwo raacay waddo dhuxul.
انا انزلنا اليك الكتاب بالحق لتحكم بين الناس

Mar kale waxaan diinta islaamka ahayn oo eebe weyne jinka iyo insiga ka ogolyahay ma jiro waana ma dhacdo waxaan diin islaam ahayn inu aqbalo
ومن يبتغي غير الاسلام ذينا فلن يقبل منه

Hadaba hadii aad intaa aaminsantahay waxaanad tahay qof muslim ah Xag laguu eegaba.

Hadii intaa aanad midna ka aaminsanayd oo diinta eebe weyne aad u haysato Cajalad duugoowday oo rikoodhku cunay Waxa aad tahay mid lamid ah Abu daalibkii Nebiga adeerkii ahaa ee waddo dhuxusha maray xaqana garan waayey, markale waxaad la mid tahay Abuu lahabkii quraanka lagu sheegay ee duhur dharaareed xaqii ka Sadcaalay.

Hadaba cabdimaalik Maxaa looga daba qaylinayaa, intaa uu sheegay waa inta nebi muxamed dunida ku nuuriyey, gudcurkii gaalnimadana kaga saarey.

Tallo ku socota c/maalik (xaqa weligeed baa xaq siddaha lagu dhibaa oo uu weliba silic iyo saxariir kala kulmaa ee Samir sidii  Kuwii samirka badnaa u samireen فصبر كما صبر أولو عزم من رسل

kuwa intaaba diidan waxaan leeyahay xor baad tahay xagii aad ku biireyso cid ku cabudhin kartaana ma jirto Lkn Caylada iyo gefka cad ee diinta islaamka aad u geysanaysaan wax loo dulqaadan karo maaha.

Xaaji aadan ayaa laga hayey:

-Waa niman islaamkuba la yahay Or iyo geeraare
-Waa niman xadiiskiyo inkira aayadaha diine

 

W/Q: cabdirisaaq Darwiish

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker