Kulanka Ardeydii isku Fasalka aheyd(Alumnus)
“in ay dib u midoobaan hal mar oo ay meel isugu yimmadaan ardey wax soo wada baratey waa mid adag,taasi oo dedaal dheeraad ah u baahan”.Sawirrada aqoonyahan wax soo wada bartey oo soo wada marey dunnida ardeynimo ayey isheydu wakhti dhaweyd qabatey kuwaasi oo ay ku jiraan asxaab aan isku baraney kuna kulaney xarumaha waxbarashadda iyo xafiisaadka bulshaddeena looga addeego.Markaad la kulanto ardeydii iyo asxaabtii horre waxey maskaxdaadu u safreysaa dibna ugu noqoneysaa wakhtiyadii horre ee gaboobey”.
Dabayaqadii sannadkii 2020 ayaa sxbkey Mohamed Saleebaan Deer igala soo hadley berbera isaga iyo mid ka mid ah kuwii ugu qurux badnaa ee xarumaha waxbarashadda dugsiga sarre aan ku bartey ina sanyare,Dhawr iyo toban sanno ka hor iyo sannadihii waxbarashadda ayey mar kasta sheekadu nala tageysa iyo 26 june,Markaasaanu qorsheynaa in intaayada hadda dalka joogtaa kulan xasuus ah aanu isugu nimaadno,markaasi ayaanu jeclaanaa in fasaxyada socdaalo la isugu soo baxo si loo helo wakhti lagu xuso 15 sanno ku dhawaadka laga sii maqan yahay dugsiyadii waxbarashadda.Ardeydii ka sokowna maskaxdu waxey la xidhiidheysaa qeybta xasuusta iyada oo fureysa qeybta macallinkii iyo barihii buuggaagtayadii.Maanta baddii ardeydii waxey madaxa la sii galayaan afartan jiro kuwaasi oo dhex mushaaxaya dabayaqaada 30meeyada tobanka sanno ah,halka macallimiintiina ay wada saaran yihiin lixdameeyada.
kontomeeyadii aanu isku lodka aheyn ee aanu ka wada baxney dugsiyadii dawladda iyo 30meeyadii aanu fasalkii jaamacadda isku lodka aheyn,baddi intoodi badneyd weli nolosha ayey joogaan oo waa la heli karaa,aragtidooduna waxey nafta ku mudeysaa talaal farxad ah oo jidhka wada saaqaya.ayaamihii dugsiyada dawladdu ahaayeen meelaha ugu wanaagsan ee wax laga dhigto qof kastaana dugsiga dawladda wax ka dhigan jirey ayey ahaayen.Macallinkiina wax uga farxad badan ma jiro in Maanta Ardeydiisi ay dhakhaatiir,ganacsato,saraakiil,macallimiin,culimo,muhindisiin,siyaasiyiin,ciyaaryahano,Maamulayaal,agaasimayaal,hal-abuurayaal ganacsi ay yihiin bulshaddooda u addeegaya.aniga oo hadda bahda macallimiinta ku biirey waxaan kula midoobey macallimiin badan oo wax ii soo dhigey oo xirfadaasi ku dhegay inta noloshooda uga hadhey,kuwaasi oo soddomeeyo sanno ku adkeystey addeegan una hurey naftooda bixinta khibradooda iyo wax barida.
wax badan ayaa saaxiibkii isgoolka/Jaamacaddu kaga duwan yahay asxaabta kale ee marka dambe nolosha la isku barto.asxaabta sida dhabta ah la isku bartey waa kuwa goobaha waxbarashadda mudda dheer kaa soo raacey,kaftan,farxad,naaneyso,ciyaarihii,tartano,imtixaano,ku ciyaaridii macallimiinta,nususaacihii iyo cuntooyinkii la cuni jirey, iyo qalbiyo nadiif ah oo walaalnimada jecelaa,waxaasi iyo wax ka sii badan ayey xasuusuhu nageynayaa wakhtigaasi.carruurtii badhtamihii sagashamaadkii,markii deegaanku dabiici dhab ah ahaa,markii aan gaadhi badani jirey,TV hagaagsan jirin,khadka internetku xidhneyn waxbarashaddu xurmo ayey u heysaa.
Macallinkayagii beryahaasi wuxuu ahaa mid jecel ardeyda dedaasha oo si gaar ah u xiiseeya ardeyda qaarkood,waxaana ku jira kuwo badan oo maanta ardeydoodii dib ula wadaaga sheekooyin badan oo nolosha ah.Maanta in badan oo ka mid ah ardeydaasi waxaanu ka wada soconaa Social Media sida Facebook iyo Whatsupp.
Abdifataah M.Ahmed
Ceelaabe_10@hotmail.com